Wasiir Hore Cali Mareexaan hadalkiisii Saameynta yeeshay. W/Q: Cali Cabdi Coomày

0
56
Wasiir Hore Cali Mareexaan hadalkiisii Saameynta yeeshay.
W/Q: Cali Cabdi Coomày
= Raysal Wasaarihii Ingiriiska ee wakhtigii dagaalkii labaad ee adduunka Churchill ayaa laga hayey ” Hadalka Siyaasigu jeediyo waxa lagu gartaa saameyntiisa laba arrimood. 1. Inay ka falceliyaan dadka ka soo horjeedaa. 2. Inay saxaafadda dalka ay iska soo horjeedaa faallayso oo ay qaadaa dhigto.” Sidaasi oo kale hadalkii Wasiir Cali ee ahaa “Soomaaliya Beentii way soo Afjareen oo Dastuur ay iyagu leeyihiin ayay samaysteen oo si sharciya u Aqoonsanaya Somaliland.”
= Hadalkaasi waxa ka faallooday oo boggagooda hore soo dhigay ugu yaraan 20 ka mid ah warbaahinta Soomaaliya ugu akhriska badan tahay. Waxa ay qaarkood ku sheegeen in Soomaalilaan ay fursad ka heshay Distoorka cusub ee waxa laga beddelay oo aanay wax talo iyo tusaale ku lahayn. Waxa ay warbaahinta Soomaaliya sheegtay in Wasiirku uu meel aanay Soomaaliya ka eegin arrinta uu ka eegay oo uu danta Soomaalilaan waafajiyey.