Caweys la isku arkay oo dhexmaray Maxamed Cali Bile Iyo dhallinyarada Berbera.

0
294

Caweys la isku arkay oo dhexmaray Maxamed Cali Bile Iyo dhallinyarada Berbera.

boqolaal ka mida dhalinyarada magaalada Berbera ayaa xalay soo buux dhaafiyey hoolka jaamacadda culuunta badda ee magaalada Berbera, halkaas oo marti ku ahaa aqoonyahan Maxamed cali Bile kullan ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada ee YADVO, Oo markii horena Casuumadda martiqaadka u fidiyey aqoonyahanka…

 

Kullankan aqoonyahan Maxamed caii Bile waxa uu ku soo bandhigay Muxaadaro qiime baddan oo nuxurkeedu ahaa, ” Fikirka hufan ee kuu Sahla inaad doorato hogaan wanaagsan” mawducan oo si cilmiyeysan uu uga hadlay si balaaqadlehna uu ugu soo gudbiyey ka qaybgalayaashii madasha.

 

waxa madasha su’aalo baddan lagu weydiiyey aqoonyahanka, su’aalahaas oo u badnaa mawduuca uu aqoonyahanku ka hadlayey, isagoo intooda baddan uga jawaabay si kalsooni iyo aqoon durugsani ku dheehantahay, halka dhawr su’aalood oo madasha aan ku habooneyna uu ka cudurdaartay.

 

ugu dambayn waxa aan halkan uga mahadcelinyaa dhammaan dhalinyarada magaalada Berbera oo si qiime leh uga soo qaybgalay ugana faa’iideystay barnaamijkan, waxa kale oo aan iyana si weyn ugu mahadcelinyaa maamulaka jaamacadda badda oo noo suuragaliyey in kullankani madashan quruxda baddan ka dhaco, waxa kale oo aan iyana kaalin muuqata ka geystay barnaamijkan bahda saxaafada Gobolka saaxil, kuwa TV-yada iyo kuwo photographers-ka ahba, waxa isaganna aan aad iyo aad ugu mahad celinyaa aqoonyahan maxamed cali bile oo runtii wakhtigiisa qaaliga u soo huray inuu aqoontiisa la wadaago da’yarta Magaalada Berbera. ugu dambayn cidkasta oo barnaamijkan gacan ka gaysatay waan u mahad celinayaa