Daawo:-Ku soo noqoshadii magaalada Palmyra ee waddanka Syria ee dagaalada daba dheeraaday halaakeeyey nolosha dad badan bal halkan ka daawo Sairada iyo warbixinta aan idinka hayno

0
346
USA(Ceelgardinews.com)Shacabka reer Suuriya ee ku dhaqnaa magaalada Palmyra ayaa dib guryahoodii uGu soo noqday ka dib markii sannad ka hor ciidamada Islamic satate ISIS iyo ciidamada daacada u ah dawlada dagaal lagu riiqday isku galeen magaaladan, ciidamada dawlada ayaa u ogolaaday dadka in qof walba wixii hantidiisa uga nool qaadan karo, inkastoo UNESCO ay tidhi burburka guryaha iyo xaaladu siday tahay uma wanaagsana in dadku ku soo noqdo waxaa miinooyinka baadhaya ciidamo ruusha wixii Islaamik state kaga tageen dhulka.
Ciidamaada ruushka ayaa miinada ka guraya meelaha taariikhiga ah iyo dhulka shacabku deganaa iyagoo qarxinaya dhinaca kale shacabka ayaa bilaabay in ay ku soo noqdaan qaarna wixii ay ka heleen guryahooda ayay ka qaadanayaan
Waxaa magaalada dib uGu soo guuraya dadkii sannad ka hor ka qaxay dhulkan idiin muuqdaa waa dhulkii taariikhiga ahaa waxaa magaalada xoog kaga saaray ciidanka daacada u ah bashar al asad iyo ciidamada ruushka hadan way degan tahay magaaladu amaankeeduna waa sugan yahay
Dadaka ayaa magaalada ku soo qulqulaya iyagoo qof walba gurigiisii wixii uga hadhay boodhka ka jafanayo waxaa dadku hada galeen magaaladan yab yabad iyo in ay suuf iyo xanjo isku dhejiyaan
Askarta suuriya ee daacada u Madaxweyne Bashar al asad ayaa dul taagan guri qadiimi ah oo macbad ahayd lana odhan jiray Fakhreddin oo hada burburkeeda aragtaan, halkaana nin suuriyaan ah ayaa la lugaynaya carbat ama Carpet uu ka soo qaatay gurigiisii oo dumay waxaana uu hada ag marayaa dhul si xun u burburay dagaaladii ba’naa ee ay isku waajaheen kooxda ISIS iyo ciidamada suuriya sannad ka hor
Waxaad aragtaan dadkii oo si habqan ah uGu soo guryo noqonaya guryahoodii iyo gebi ahaanba magaaladii sannad ka hor laga guuray qaxooti iyo rafaad qofkii soo maray uun baa garan kara hoy la’aanta iyo dhibaatada dagaaladu leeyihiin mana aha wax sahlan dagaal iyo colaad dhibkeedu dadkana daal rafaad iyo qaxootinimo ayay gacmaha iyo dhabanku isku dhegeen
Dumarka ayaa isla markii ay ku soo noqdeen magaaladii ay ku dhasheen ku soo barbaareen ee palmyra oo noqotay meel aanad is lahayn weligeed nolol baa ka jirtay sida foosha xun ee ay u burburtay waxay miciinsadeen oohin dhabankooda qoysay , waxaa aad uGu hawlan ciidanka raasheenka in ay miinada ka saaraan dhulka hada dadku ku soo noqonayaa
Magaalada oo markii hore labada ciidan ee ISIS iyo ciidanka suuriya si naxariis la’aan ah uGu dagaalameen uguna duntay hubka aan laysaga naxariisanayn ayaa waxay hadana sii eersaaty ciidanka ruushaka oo isna si uu uga saaro islaamiyiinta waxuu hub hayey ku afrogay miinooyinkii ayaa hada laga gurayaa.
Dadku waxay sugayaan basas u qaada magaalooyin kale ka dib markii waxii ay qaadan karaan ka qaataan guryahoodii dumay kuwana way imaanayaan si ay u arkaan waxa ka nool gurigoodii gabadhan ayaa timid gurigeedii oo dhulka la siman gebi ahaan waxayna miciinsatay baroor
Gabdhahan ayaa waxay yimaadeen guryahoodii wixii ay ka qaadan karayeen bayna ka qaateen waxayna bas ku socda caasimada dimishiq u raacayaan iyago awelba mudadii u danbaysay deganaa baska oo dheegaga ay kaga xardhan yihiin sawirka madaxweyne Bashar Al asad , Askarigan ayaa waxaa uu soo siyaartay gurigiisii oo dumay waxaana uu ka mid yahay ciidnka suuriya mudan dagaalka kula jiray Ciidanka ISIS .
Nin  journalist ama warfidiyeen ayaa dul taagan dhul taariikhi ah oo macbad ahayd lana odhan jiray  Temple of Bel waxaa iyana dadkii soo guryo noqday ay u ooman yihiin bal in ay indhaha ka qaadaan guryahoodii waxaan maqli jiray nafta iyo lexejecladu mar bay wada baxaan bur burka ayaa ah mid aad u khatar badan waxaa ku kufay halkaa qof waayeel ah waxaa ka daran miinooyinka iyo wax ku hoos duugan.
Dadka ayaa markii wixii ay qaadan karayeen ka qaateen guryahoodii basaska dib u raacay waxana daymo ku sii jaleeceen dhulkii ay deganaan jireen oo hada u egaaday dhul kharaabado ah waxaa magaaladan oo diimihii hore raadad xooga ku lahaayeen dhul taariikhhdna u badan dhulka la simay ISIS oo waxaa taariikhiga ah aan arki Karin
ENG ABDIRAZAK YASSIN MAXAMED
United State Of America