Daawo : Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Ka Hadley Maal Galinta Lagu Sameynaayo Dekada Berbera , Su’aalna Galiyay

0
283

Jabuuti ( CGN ):- Madaxwaynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horaysay si cad u soo bandhigay dareenkiisa ku aadan maalgalinta dekedda Berbera iyo casriyeynta la filayo inay DP World ku samayso.

Image result for ismail omar guelleh

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dekedda Berberi aanay la tartami karin dekedda Jabuuti, waxaana uu sheegay inay ka istiraatiijiisan tahay marka loo eego suuqyqada xaamiga ah ee Itoobiya, isagoo sheegay inaanay la dhisi karin wadada isku xidhi doonta Berbera iyo Wajaale maadaama ay boqolaal milyan oo dollar ku baxayaan, waxaana uu sidaasi sheegay mar uu la hadlayay jariidadda caalamiga ah ee Tesfaye news, isagoo arrinkasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

 

“Si dekadda Berbera ay u qabsato suuqa Itoobiya waa in dib loo dhisaa waddo dhererkeedu yahay 280 KM taas oo dekadda ku xidha xadka Itoobiya, hal milyan iyo badh ayaa ku baxaya halkii KM (1KM) iyo in ka badan 400 Mliyan, Yaa dhiibaya?.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in marka laga hadlayo faa’iidada tartanka ay dekediisu haysato jaaniska ugu wayn maadaama sida uu sheegay ay farsamo ahaana ka wanaagsan yihiin dekedda Berbera, “Waxa intaas dheer, qalabka ay maraakiibta waaweyn ku xidhan karaan waxaa ay Berbera u jirtaa 12 KM halka Djabuuti ay tahay meel ku toosan, faa’iidada is-barbardhigu way cadahay waana sidaanu doonayno” ayuu yidhi Ismaacil Cumar Geelle Madaxwaynaha Jabuuti.

Hadalka Madaxwaynaha ayaa si cad u muujinaya dareenka bulshada reer Jabuuti ka qabaan horumar ay samayso dekedda Berbera taasoo ay ka cabsi qabaan inay la wareegto suuqa dekedaha ee Geeska Afrika.