Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Oo Hambalyo U Diray Ardayda Ku Guulaysatay Imtixaanaadka Shahaadiga Ah

0
407

Berbera(Ceelgardinews.com.com) Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Ibraahim Digaale Maxamed Ayaa Hambalyo U Diraya  Dhamaan Ardayda Ku Guulaysta Imitaxaanaadka  Shahaadiga ee Dugsiyada Sare iyo dhexe ee gobolka Saaxil Waxaanan Hambalyaynayaa  Waalidkii iyo Macalimiintii wax soo Bartay Ardaydaas  Waxaanan u Rajaynayaa Ardaydaas in Aqoontood  Halkaas ka Sii Waddan Oo Aanay Halkaas kaga HADHIN Waxbarashada

Waxaan Sanadkan u Ka Qaybgalaya Imitaaxanada Shaahaadiga Dugsiyada Sare Ee Gobolka Saaxil  6 Dugsi sare Oo  Kale Ah

  1. Dugsiga Sare Bursade                           Berbera
  2. Dugsiga Sare Cabdisalasan                  Berbera
  3. Dugsiga Sare Shire Gaab       Degmada shiekh
  4. Dugsiga Sare Suuqsade           Degmada Shiekh
  5. Dugsiga Sare Lixle                   Degmada Go,adawayne
  6. Dugsiga sare Sos

Waxaana Imitaaxanadka U Fadhiistay Dugsiyada Sare Ee Gobolka Saaxil 452 Arday

  1. Grade (A) Waxaa Ku Keenay 36 Arday
  2. Grade (B) Waxaa Ku Keenay 200 Arday
  3. Grade (C) Waxaa Keenay    173 Arday
  4. Grade(D)Waxaa Keenay    35 Arday
  5. Grade(E)Waxaa Keenay 7 Arday

Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Saaxil oo dhan U Fadhiistay Imitaxaanka Shaahdiga ah Waa 18 School dhexe Waxaan Imitaxaanka u Fadhiistay 618 Arday  oo Gobolka Saaxil oo dhan ah Waxaan Imitaxaankaas aan Gudbinuun 7 Arday Oo Kaliye Gobolka Saaxil oo dhan

Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Ibraahim Digaale Maxamed Waxaa Kale Oo uu Hanbalyo ku Diray Labada School Sare ee Sanadkan  Markii ugu Horaysaya ay Imitaxaan U Fadhiistan Ardayda Dugsiyada Sare Waana Labada School ee Ku kale yaal Degmada Go,adawayne oo lagu magacaabo Lixle Scondry school iyo Dugsiga Sare ku yaal Tuulada Suuqda Waxaanan Hambalyo u Diray Macaliminta iyo Waalidinta Ardaydaas Wax Soo Bartay

Waxaan kale oo aan si Gaar ah ugu mahad naqaya Cid kasta oo Gacan dhaqaale ka Gaystay Labadaas Dugsi Sare Haday yihiin Qurubo jooga Deeganadaas ,Ha,adaha,Gudomiyaha Ha,ayada Imitixaanada Qaranka , Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Garas ,Odayaasha Deegankaas, Gudomiyahayasha Deeganadaas iyo Maamulka Goboka saaxil iyo Degmada Berbera

Waan ku mahad santii Gacan Qabashada aad Gacan Qabateen Ardaydaas iyo Macalimiintoodba Waxaan idinku Boorinyaa Cidkasta oo hore uga Qayb qaadan jirtay iyo Cidkastoo Danaynaysa Waxbarashada Deeganadaas in sii laban laaban Waxqabadkood halkaasna ka sii Wadan

Waxaan iyana Hambalyayanayaa Ardayda labadaasi school oo Dadaal wayne muujiyaya Waxaanan leeyahay Waxbarashadiina halkaas ka sii wada

Gabagabadii Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Waxaa Uu Sheeg In sanadkan ay muujiyeen dhaaman Arday Dugsiyada Sare iyo Kuwa dhexeba ay Dadaal muujiyaan Meel Fiican ay ka Galeen Imitaaxanadkii Shahaadiga ah ee Dalka Ka Dhacay Dadaalkan Haalkaas ay laga wadayaa

Allah Mahad

Gudoomiyaha Wabarashada Gobolka Saaxil

Ibraahim Digaale Maxamed