Dad Ku Dhintay Goob Qashinka Lagu Qubo Dalka Ethopia.

0
362

Ugu yaraan 48 ruux ayaa ku dhintay qashin qub sida buuraha noqday oo dusha ka maray guryo ku yaala duleedka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sida ay saraakiishu sheegeen.

Waxaa kale oo ay sheegeen in wali la la’yahay tiro dad ah tan iyo markii uu qashinkaasi ku habsaday dadka Sabtidii, dadka deegeenku waxay sheegeen in ay halkaas ku sugnaayeen 150 ruux, marka uu shilku dhacay.

Qashinka oo aad u badnaa ayaa aasay guro halkaas ka dhisnaa oo macmal ah,Goobtaas ayaa qashinka magaalada Addis Ababa lagu daadinayay.

Afhayeen u hadlay magaalada ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in carruur badan ay ka mid yihiin dadka halkaas ku dhintay.

Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashadu ay intaas ka sii badan karto.