Hargeysa (Ceelgardinews.com):- Masuulkii afraad ayaa waxaa uu hada shaaciyey in aanu qaban kareen
isla markaana aanu ku qanacsaneen in uu qabto xil uu xalay madaxweyne Siilanyo u magacaabey.
Masuulkan oo ah agaasimihii wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed oo loo bedelay in uu noqdo safiirka Somaliland dalka Jabuuti .
Waxaana uu masuulkani maanta kulan garnaqsi ah la yeeshay madaxtooyada isaga oo ku hanjabey in uu is casili doono
Dhinca kale waxaa jiray iyaguna saddex masuul oo hore kuwaas oo sheegay in aanay qaban kareen xilal uu habeenkii xalay ahaa madaxweyne Siilanyo u magacaabey.