Hargeysa ( Ceelgardinews.com ):- Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ee Waddani iyo UCID ayaa
waxaa ay maanta u gudbiyeen gudida doorashooyinka mowqifkooda ku saabsan arimaha doorashooyinka iyo abaaraha dalka ka jira
Xisbiyadu ayaa waxaa ay go,aankoodan ku sheegen in aanay wakhti xaadirkan suurto gal aheyn in ay kominshanka doorashooyinku dalka ka qabtaan doorasho waxaana ay ku war galiyeen laba xisbi in gudidu ay doorashada dib u dhigto muddo kooban si loo samata bixiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen
Mowqifkan ku saabsan arimaha doorashooyinka iyo abaaraha ee xisbiyada mucaaridku u gudbiyeen gudida doorashooyinka xisbiga Kulmiye kulama socdo isla markaana kama mid ah xisbiyada mowqifka u gudbiyey gudida doorashooyinka , waxaana ay talaabadani ku soo beegmeysaa wakhti gudida doorashoyinka laga sugaayo in ay soo saaran go,aan ku saabsan arimaha doorashooyinka