Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) :- Xoghayihii Dawlada Hoose Ee Hargesa Oo Xilkii Laga Qaadey Iyo Masuulka Lagu Bedelay + Sababta Shaqada Loo Ceydhiyey .
Wasiirka arimaha gudaha ayaa waxaa uu u magacaabey in uu noqdo xoghayha cusub ee dawlada Hoose ee Hargeysa Muddane Cali Xassan Cawaale oo ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaarada arimaha gudaha .
Wararka soo gaadhaya shabakada Ceelgardinews.com ayaa waxaa ay sheegayaan in maayar Solteco uu aad uga hawl galay sidii aan xilka looga qaadi laheyn xoghayihii hore , balse dawlada dhexe ayaa arintaasi ku gacan seydhay oo u joojin weyday dalabka maayar Solteco ee ahaa in xilka loo daayo xoghayihii hore
Sidoo kale wararka ay Ilaysnews.com helayso ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaadey ay tahay shaqadii dawlada hoose oo noqotey mid gaabis ah , wada shaqeyntii xukuumada dhexe iyo dawlada hoose oo daciiftey iyo xoghayihii hore oo la sheegay in aad ugu dhex milmay maamulka dawlada hoose oo uu ugu horeeyo maayar Solteco
Si kastaba ha ahaatee xoghayhii hore ee dawlada hoose ayaa waxaa uu xilkaasi hayey muddo aad ku kooban oo 3 bilood ah