Ganacsatada Suuqa Waaheen ee Hargeysa oo Mudaharaad Salmi ah Ku Muujiyey Cabasho Ay Ka Qabaan Sicir-bararka iyo Sirifka Lacagaha Qalaad+Meheradahoodii oo ay Albaabada u Laabeen iyo Ciidamo Xooggan oo La Soo Dhoobay Agagaarka Goobahaasi

0
330
Hargeysa (CGN ):-Ganacsatada suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, ayaa saaka mudaharaad salmi ah ku muujiyey meheradahoodii ganacsi oo ay albaabada u laa been ka dib sicir-barar aad u xooggan iyo kor u kaca sarifka lacagaha oo ay in muddo ah ba cabasho ka muujinaayeen isla mar ahaantaana aan waxba laga qabanin.

Meheradaha ganacsi ee ku yaala suuqa Waaheen iyo badhtamaha Hargeysa, ayaa dhammaantood ba la arkaayey iyaga oo xidhan, waxaana daqiiqado ka dib ba ay xukuumaddu goobahaasi soo dhoobtay ciidamo aad u tira badan kuwaasi oo ku gaashaamnaa hub ciidan iyaga oo kala eryaaya dadka iskugu soo ururay goobahaasi iyo weli ba sida oo kale wariyeyaasha isku dayaaya in ay wax ka duubaan dhacdadan iyo dareenka ay qabaan shacabka muwaadiniinta ah ee ka ganacsada suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.
Wararka xog-oggaalka ah ee aanu illaa hadda helayno, ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku ay tiro dad ah u taxaabeen xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa, ku waasi oo cod dhee ku muujinaayey cabashada ay ka qabaan sicir-bararka iyo kor u kaca ku yimi sicir-bararka.
No automatic alt text available.Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, people walking and outdoorImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: one or more people, people walking, sky and outdoor