GUDDOOMIYE CIRRO OO SAFAR AAN HORE LOO SHAACIN OO DEG-DAG AH GOOR DHAWEYD KAGA DHOOFAY MADAARKA HARGEYSA

0
321

GUDDOOMIYE CIRRO OO SAFAR AAN HORE LOO SHAACIN OO DEG-DAG AH GOOR DHAWEYD KAGA DHOOFAY MADAARKA HARGEYSA
Hargeysa(Ceelgardinews.com) Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar deg dag ah oo aan hore loo sii shaacin goor dhaweyd ugu baxay dalkaasi Itoobiya.

Illaa hadda lama oga u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa safarkan deg daga ah ee guddoomiye Cirro ugu baxay dalkaasi Itoobiya, balse sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro uu goor dhaweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana wararku sheegayaan in halkaas ay ku sii sagootiyeen guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, Siyaasi Keyse Cali Geedi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbigaasi.

Wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in u jeedada safarka guddoomiyaha WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro ay daaran tahay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay mas’uuliyiinta dalkaasi Itoobiya, sida oo kalena uu kulamo gooni gooni ah magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya uu kula soo yeelan doono diblomaasiyiin ka kala socda wadamada Yurubta, Mareykanka iyo weliba mas’uuliyiin ka tirsan hay’addaha qaramada Midoobay.

Illaa hadda lama garanaayo sababta rasmiga ah ee safarka guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) ku soo beegay xilligan, lamana oga illaa hadda u jeedada ka dambeysa martiqaadka ay u fidisay dawladda Itoobiya iyo weliba sida oo kale waxyaabaha ay ka soo wada-hadli doonaan diblomaasiyiinta heerka caalami ah ee ku sugan dalkaasi Itoobiya oo la sheegay in uu iyagana kulamo gaar gaar ah la qaadanayo.