HALKAY KU DEMBEYSAY DIGREETADII LUUQADDA KAKAN KU QORNEYD EE WASIIR FARATOON KU MAMNUUCAY CALEEMO-SAARKA MADAX-DHAQAMEEDKU

0
342

Iyadoo   digreetooyin kala dembeeyey  ay xukuumadda Somaliland sanadkan gudihiisa ku mamnuucday  saaxadda dhaqanka kaga mamnuucday caleemo saarka madax-dhaqameedyada  kuwaas oo foolladayntooda iyo caano ku shubistoodaba ay dawladdu uga digtay in hadda wixii ka dembeeyey la joojiyey isla markaana ciddii dhaqangalka digreetooyinkan u hoggaansami weyda la amray in hay’adaha ku shaqada lihi tallaabo sharci ah ka qaadaan, ayaa haddana waxaa soo baxaya god-daloollooyin farta ku fiiqaya u hogaansanaan la’aantooda.

Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed WAran Cadde ayaa mudaddii uu xilka wasaaraddaas hayay tiraba dhowr jeer soo saaray wareegtooyin amraya in la joojiyay caleemo saarka madax dhaqameedyada cusub, sida salaadiinta, cuqaasha, ugaasyada, malaaqyada iyo garaadada kuwaas oo sanadihii u dembeeyey si aan kala joogsi lahayn ugu soo batay saaxadda dhaqanka,

waxaanu faray laamaha ammaanka iyo hay’adaha dawliga ahba in ay tallaabo adag ka qaadaan cida iska dhego marisa amarkiisa. Sidoo kale waxaa uu hoggaan dhaqameedyada ka diiwaan gashan wasaaradda arrimaha gudaha uga digay inay si dadban iyo si daallacanba ugu lug yeeshaan dhaq dhaqaaqyada lidiga ku ah wareegtadiisa.

Warancadde ka sokow, wasiir ku xigeenkii hore ee amniga haatanna ah wasiiru dawlaha amniga Maxamed Muuse Diiriye, Agaasimaha guud ee wasaaraddaas iyo weliba baadhasaabka gobolka Maroodi jeex ayaa iyaguna awaamiir ta’kiidinaya amarka wasiirka ka soo saaray qaddiyadan, wallow aanay dhaqan gelin.

Wasiirka haatan xilka wasaaradda arrimaha gudaha haya md. Yaasiin Maxamed Faratoon oo xilka kala wareegay Wasiir Warancadde ayaa maalmihii uu tirsaday masuuliyada wasaaraddaasba waxaa uu isaguna soo saaray degriito adag oo uu ku shaacinayo in aan dalka laga oggolayn Caleema-saarka Madax-dhaqameedka guud ahaan, isagoo xusay inaan la aqbali doonin Caleem-saarka Suldaan, ugaas, garaad iyo Caaqil cusub midna. Wasiir Faratoon oo  5tii bishii September soo saaray digreeto luuqad adag ku qoran oo uu ku  socodsiiyey Guddoomiyeyaasha gobollada Somaliland, waxaa uu ku   ku sheegay inay Wasaaradda arrimaha guduhu waddo dib-u-eegista Nidaamka Madaxda Dhaqanka ee dalka.

Wareegtadaas uu soo saaray Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) waxay u dhignayd sidatan:- “Sidaad la socotaan waxayWasaaraddu hore u soo saartay Wareegto Joojin ah oo la xidhiidha Caleemo-saarka Madax-dhaqameed cusub, hadday tahay Suldaan iyo hadday tahay Caaqil-ba.

Haddaba, iyadoo Wasaaraddu ku hawlan tahay dib-u-eegista iyo nadaaminta hawlaha Madax-dhaqameedka, waxaa la idin farayaa in aan la oggolayn Caleemo-saarka Madax-dhaqameedka cusub, oo aan oggolaansho ka haysan Wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale, waa in la hakiyo cid kasta oo ku hawlan Caleemo-saarka Madax-dhaqameed cusub, illaa amar dambe ka soo baxayo Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayuu Wasiir Yaasiin Faratoon ku yidhi Wareegtada uu soo saaray. Wareegtadaas waxaa ka dembeysay mid kale oo uu isna soo saaray baadhasaabka gobolka Maroodijeex oo ay isaga xasiifkiisa ka diiwaangashan yihiin cushaaqa gobolku,  waxaanu sida wasiir Faratoon ku muujiyey qorshaha ay wasaaraddooodu u dejisatay is barbar yaaca dhaqamaysan ee caleemo saarka  madaxda dhaqanka.

Gunaanad

Bishan dhammaadka ah ee November gudaheedii ayaa sida warbaahinta maxalliga ah ee dalku qortay waxaa isagu jiray tallaabo ay xukuumadda Somaliland gaar ahaanna wasaaradda daakhiligu ka qaaday Ugaas cusub oo ay sheegtay inaanu ka diiwaangashanayn wasaaradda kaasi oo ku dhawaaqay caleemo saarkiisa, isaga oo xukuumadda iyo maamulka dalkana naqdiyey. Ugaaskan cusub oo sida warbaahintu baahisay isku sheegay in uu yahay ugaaska guud ee beellaha Cimraan Sh. Isaxaaq ayaa xukuumadda Somaliland xabsiga dhigtay, isagoo xadhigiisana ku sababaysay khalkhal gelin nimaamka dhaqan ee dalka u degsan, wallow ay axsaabta mucaaridku siyaasadeeyeen xadhigiisa oo ay ku sheegeen in xukuumaddu cabudhinayso cidda taageerta axsaabta mucaaridka ah.

Isku soo wada duuboo iyada oo ay dhacdooyinkaas oo dhami jireen ayaa haddana toddobaadkan gudihiisa waxaa munaasibad ilyartu is qabatay oo lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaallada Hargeysa lagu caleemo saaray Ugaas cusub oo ku soo biiray saaxadda dhaqanka ee beellaha Curadka Daa’uud Ismaaciil, kaasi oo xilkiisu ku cusub yahay  golaha dhaqanka ee beeshaas. Xafladan ayaa lagu caano shubay ugaas guud oo ay yeelan doonto beesha Maxamed Daa’uud, kaasi oo lagu sheegay in uu kazoo jeedo qoys ku abtirsada talada dhaqanka. Ugaaskan ayaa ra’yul-caamku su’aallo kala duwan iska weydiiyeen caleemo saarkiisa iyo xilliga uu ku soo beegmay   iyo welibi mawqifka xukuumadda uga meel yaalla.