Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera Kayd Cabdilaahi Xandule oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamusay Wasiirka Cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo Booqasho ku Jooga Berbera

0
293

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera  Kayd Cabdilaahi Xandule  oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamusay Wasiirka Cusub ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo Booqasho ku  Jooga Berbera

Berbera(Ceelgardinews.com)-Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera Eng. Kayd Cabdilahi Xandule ayaa qado sharaf ku maamuusay Wasiirka Dahlinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo usoo Magacaabay Xilka wasiirnimo ugu sameeyey Hutel Maansoor ee Magaaladda Berbera.

Kulankan qadada ah ee Maareeyaha Biyaha Berbera Eng. Kayd u sameeyey wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa dalucdiisa lagu sheegay mid u daarnaa saaxibtimo iyo aqoon durugsan oo ka dhaxaysay maareeyaha iyo wasiirka. sidoo kale, kulanka waxa la sheegay inay kasoo qaybgaleen isku isuduwayaasha  ciyaaraha iyo weliba marti saaxibo ay yihiin maareeyaha Biyaha iyo weliba xubno ka mid ah xukuumadda Somaliland.

 

ugu dambeyntii kulankaa qadada ah, ayaa waxa hadal kooban kasoo jeediyey wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera Eng. Kayd Cabdilahi Xandule, iyadoo maareeyuhu wasiirka Ilahay uga beryey inuu xilka ku asturo, isla markaana ka dhigo mid guuleysta oo kasoo baxa shaqadii loo igmaday. dhinaca kalena waisir Cabdirisaaq Waaberi Rooble-na Maareeyaha uga mahad celiyey hadhimo sharafeedkaa uu ku maamuusay iyo sidoo kalena ducada uu kusoo khatimay.