Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Goobo Muhiim Ah Oo Laga Hirgeliyey Gudaha Taliska Booliska

0
18
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeeray Goobo Muhiim Ah Oo Laga Hirgeliyey Gudaha Taliska Booliska
Hargeysa-03-10-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray xarunta taliska guud ee ciidanka Booliska oo dhismeyaal kala duwan oo muhiim ah laga wado.
Goobaha cusub ee madaxweynuhu booqday binayntoodu ka socoto xarunta taliska Booliska oo gebegabo ku dhaw, kuwaas oo ay kamid yihiin Cusbitaal ciidanku yeelan doono, Hool cusub oo shirarka loogu talo galay, 20 xafiis oo cusub, kaalin shidaal iyo bakhaaro agabka kala duwan ee ciidanka Booliska lagu keydan doono.
Wa-bilaahi Tawfiiq