Madaxweynaha JSL oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Axmed Xasan Muuse oo ka mid ahaa 25-kii Xubnood ee Golihii Kacaanka ee Jamhuuriyadii Burburtay

0
31
Madaxweynaha JSL oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Axmed Xasan Muuse oo ka mid ahaa 25-kii Xubnood ee Golihii Kacaanka ee Jamhuuriyadii Burburtay ee Soomaaliya.
Hargeysa-11-06-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Axmed Xasan Muuse oo ka mid ahaa saraakiishi sarsare ee xilal kala duwan ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya ee burburtay oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka maantana la keenay Caasimada Hargeysa iyadoo lagu aasay Xabaalaha Haleeya.
Waxaana madaxweynaha qaranka kala qaybgalay aaska qaran Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Xubno ka mida Golaha Wasiirrada, gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaano, taliyeyaasha Ciidamada, ganacsato, madaxda dhaqanka, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.