Madaxweynaha Kenya Oo Dadkiisa Ku Dhiirigeliyey Suuq-geynta Jaadka Ay Beertaan Oo Macaash Badani Uga Soo Xeroodo

0
262

Keyna (Ceelgardinews.com) Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa magacaabay guddi ka kooban 14-xubnood kaasoo ah guddi farsamo oo ka shaqeyn doonta horumarinta jaadka iyo suuq geyntiisa. Guddiga farsamo waxay ka  shaqeyn doonaan hawllaheeduna ay   ku soo koobmi doonaan muddo 3 bilood ah sida war rasmi ah oo dawlada Kenya ay leedahay lagu caddeeyay maalintii Jimcihii ee lasoo dhaafay. Guddiga  waxaa guddoomin doona ninka lagu magacaabo Geoffrey Nchooro M’mwenda ayadoo uu dhanka guddoominta ka caawin doono Dr Richard Leresian Lesiyampe. “Asagoo la tashan doona beeraleyda, ganacsatada iyo masuuliyiinta arintaa ku habboon ayaa guddiga farsamo uu ku talo bixin doonaa istaraatiijiyado iyo waxqabad taageeri doona horumarinta suuqa jaadka,” sidaa waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay aqalka madaxtooyada ee dalkaan Kenya Jimcihii. Gaar ahaan guddiga farsamo wuxuu go’aamin doonaa siyaabo dib loogu soo celinaayo suuqyadii la waayay laguna soo helaayo suuqyo cusub oo jaadka loogu tala galay.“Guddiga farsamo ayaa sidoo kale wuxuu garan doonaa dadaalo, hawlo iyo wax qabad agabka dawlada iyo shiriigyada kale ay bixiyeen uu bara taari karo,” bayaanka ayaa intaa raaciyay. Hawlo kale oo guddigu qaban doono ayaa waxaa qeyb ka ah cilmi baadhis loogu tala galay beerashada qaadka, noocyadiisa kala gadisan sidii loo horumarin lahaa iyo sidii tayadiisa sare loogu qaadi lahaa, waa sida hadalka loo dhigaye. Guddiga ayaa sidoo kale muujin doona fursado loogu tala galay horumarinta awooda beeraleyda oo ay kujirto soo helida iyo hirgalinta beero tababar. Warkan  rasmiga ah ee shalay Jimcihii kasoo baxday ayaa sidoo kale dhigaysa in guddigu uu go’aamiyo qaabab hayadeed iyo qaabab maamul oo loogu tala galay, tayaynta jaadka iyo ganacsiyo beera qodasho oo dheeraad ah kuwaasoo loogu tala galay beeraleyda jaadka. Xog-heynta guddigaa farsamo ayaa fadhigeedu yahay ama ahaan doonaa dhismaha Kilimo House ee magaaladaan Nairobi  halkaas oo ay daggan tahay Wasaarada Beeraha, Xoolaha Nool iyo Kalluumeysiga ee Kenya.