MADAXWEYNE; INTA LINE [SAF] NALOO FADHIISIYEY OO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKU NOO YIMI AYAA SIDAANU ISU LAHAYN WAAD DHERGAYSAAN AANU HADDANA GAAJO KU SEEXANNAY

0
319

Boorame (Ceelgardinews.com) Weftigii uu horkacayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ee socdaalka ku joogay deegaanadda goboladda Awdal, ayaa dadka deegaanadaasi ku dhaliileen inuu saf galayay, balse aanu wax cuno iyo cabitaan ah siin, islamarkaana uu ka

dhaqaaqay habeenimaddii iyagoo gaajo beerka u seexday. Hooyo ka mid ah hooyooyinka madaxweynuhu la kulmay   ayaa ka warrantay xaalad ay kala kulmeen  madaxweyne ku-xigeenka.  Hooyaddan oo arrimaha ka hadlay waxay tidhi “Madaxweyne ku-xigeenku wuu na soo maray, oo halka iyo halkaasuu na fadhiisiyay, waxaanu nagu yidhi wixii idiinku daran sheega, ee nagu sharraxay baabuurta oo lanoo fadhiisiyay layn oo aan nala siin waxba, habeenkii oo dhan biyo la’aan, cunto la’aan, xoolihii oo naga kala baxsaday, gaajaddii oo aanu hoy u noqonay, Madaxweyne waad dhargaysaan sidaanu u lahayn ayaanu habeenkii gaajo ku seexanay, baabuurtii uu watayna habeenkii ayay naga dul dhaqaaqeen, oo wax cuno ah iyo wax cabid ah nalama siin, gaajaa nagu madhisay meesha, dharaartii anagoo dharag caloosha u faacinay, ayaanu habeenkii gaajo u seexanay.”ayay tidhi hooyo ka mid ah dad uu saf gelayay Saylici.

Source: Qurbejoog.com