Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland Ee Deegaan Ahaan Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil ayaa waxaa uu ka hadley aqoonta shaqsiyeed ee uu u leeyahay wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Waxaanu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Ku Tilmaamay Wasiir Maxamuud Xaashi Mid Ay Caadifad Qabyaaladeed Uurka Ugu Jirto Isla Markaana Masuul Ka Ah Fadqalalooyinka Dalka Ka Jira Ee Sababay Rabshadaha Iyo Mudaharaadada.
Xildhibaanka ayaa waxaaa uu sheegay In Shaqsiyada Maxamuud Xaashi uu aqoon Fiican u leeyahay oo ay isku gole ahaan jireen hortaantii 2005 waxaana uu ku tilmaamay Maxamuud Xaashi Masuul aan aqoon badan laheyn isla markaana ku xeel dheer Qabyaalada Iyo Kala Qoqobida Bulshooyinka Somaliland sidoo kalana waxaa uu sheegay xldhibaanku in Magaalada Berbera na duulan gaar ah lagu yahay Isagoo Ka Sheekeyey Taariikho Iyo Dhacdooyin Hore Oo Lagula Kacay Bulshada Ku Nool Gobolka Saaxil. Waxaanu Baaq U Diray Guud Ahaanba Bulshada Ku Nool Somaliland.
https://www.youtube.com/watch?v=Ve4KLAxqonY