Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi CIRRO ayaa maanta socod lug ah ku tagay Maxkamada Sare ee Somaliland iyo xarunta Baarlamaanka

0
7
Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi CIRRO ayaa maanta socod lug ah ku tagay Maxkamada Sare ee Somaliland iyo xarunta Baarlamaanka .
Ugu horeyn Musharaxa ayaa kulan albaabadu u xidhan yahiin la yeeshay gudoomiyaha maxkamada sarre ee Somaliland Aadan Xaaji Cali , waxaana uu kala hadlay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib iyo sidii uu xoriyad u heli lahaa .
Sidoo kale Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulan kale oo albaabadu u xidhan yahiin la yeeshay shirgudoonka Golaha wakiilada Somaliland ,
Musharax Cabdiraxmaan CIRRO ayaa waxaa uu ugu danbeyn booqasho ku tagay guriga uu magaalada Hargeysa ka degana Xildhibaan Maxamed Abiib , waxaana uu booqasho ugu tagay caruurta iyo qoyska Xildhibaan Maxamed Abiib oo ku xidhan xabsiga Mandheera .