Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo Berri Dalka Kusoo Labanaya iyo Xubnaha Isbahaysiga Kulmiye oo Soo Dhoweyntiisa Ku Hawlan

0
410

Hargeisa(Ceelgarde News .com)Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal cali Xuseen ayaa maalinta berri ah salaasa dalka dib ugu soo laabanaya. Kaddib safar shaqo oo uu muddooyinkii u danbeeyey ugu maqnaa dalka mareykanka, gaar ahaana waxa uu hadda kasoo kici timayaa dalka Kanada.

Hargeysa(Xogreebnews)-Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal cali Xuseen ayaa maalinta berri ah salaasa dalka dib ugu soo laabanaya. Kaddib safar shaqo oo uu muddooyinkii u danbeeyey ugu maqnaa dalka mareykanka, gaar ahaana waxa uu hadda kasoo kici timayaa dalka Kanada.

Soo dhoweynta Musharax Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen ayaa si weyn looga dareeyama dalka, iyadoo sidoo kalena ay qayb ka noqon doonaan Siyaasiyiinta Isbahaysiga Kulmiye oo iyagu muddooyinkii uu danbeeyey wada-hallo u socdeen Xisbiga Cadaalada iyo daryeel Ucid. Sidoo kale, waxa soo dhoweynta Musharrax Madaxweyne Jamaal cali Xuseen kamid noqon doona siyaasiin, dhalinyaro, cuqaal iyo salaadiin iyo weliba Masuuliyiinta Xisbiga Ucid ee dalka. Musharrax Jamaal Cali Xuseen waxa la filaya inuu maalinta berri ah ka hadlo arrimo badan oo ay kamid yihiin, xaalada guud ee dalka, abaaraha dalka ka jira, iyo sidoo kale, marxalada siyaasadeed ee dalka ku jira

 

Xigasho Xogreebnews.com