Dharaaro aan Badnayn-baa Laga Joogaa dhacdadii daandaansiga dawlada Jabuuti ee damacu kaga galay badda Saylac oo ay weerar ku soo qaadeen Markab kalluun oo laga leeyahay dalka Masar oo ruqsad kalluumaysi ka haystay xukuumada Somaliland. Daan-daansigaa waxa ku qudhbaxay hal askari, mid kalena wuu ku dhaawacmay labadubana waxay ka mid ahayeen ciidanka badda Somaliland.
ciidamadii damacu wadey sidaasna waxay ku sugeen halyeyadu xuduudii lagu soo xadgudbay. Intaa ka dib xukuumada Somaliland ayaa dhacdadaas kaga hadashay qaab habrasho ah oo nusqaan ku ah milgaha dawladnimada islamarkaana aan ka turjumayn xanuunkii loosoomaray qarankan 25 jirsadey oo umuuqdey mid aan awood loolahayn in looga hadlo sidii dawladnimada lagu yaqaanay oo dilaalnimo iyo dano shaqsi ay kala weynaadeen dantii dadka iyo dalka oo damqashadii damiirku lumay danta qarankana ka horaysiinaya tooda shaqsiga ah, tusaale marag ah…….. wasiirku xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay dhacdadas ayaa hadalkiisu umuuqdey mid aan ka turjumayn haykalka dawladnimo oo si saqiira uga falceliyey isagoo waliba leh walaalaheen Jabuuti.., oo ilawshiiyo dhawaa ma u mulbaa, iyaguba walalnimada may xasuusan oo waxay ku dareen inkiraad ay jiriraanka qaranka Somaliland ku diidan yihiin.
Sidoo kale hadal ugub ah oo habrasho ah ayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu tacsi cod gaaban ku u diray marxuunkii lagu oofsadey isagoo ku jira hiilka qarankiisa madaxdii iyo dawladiisiiba ma weynen aaska marxuunka balse waxaa ka dhiidhiyey boqolaal shacab ah oo uu quluubtooda gil-gilay, Xurmo daranaa Xukuumadu… Sowtii weyneynaysay shalay qof shicib ah oo burco lagu dilay inkastuu kaasiba xaq uleeyahay in la weyneeyo oo uu muwaadin yahay hadana miyaanay ka xurmo badnayn in kan qarankiisa hiilka naftiisa ugu huray in loo hagarbaxo waa siyaasiyiin dantoodii dusha shacbiga ku horumarsanaya kow iyo laba maaha inta Jabuuti xadgudub ku samaysay jiritaanka shacbiga Somaliland oo waxaabay hortaagantahay inay ku garabsiiso helida aqoonsiga Somaliland waa talis aan ogalayn in tiisa mooyee tu kale jirin maah-maah somaliyaa ahayd (Baqali Ma dhasho wax dhashana Ma Jecla) taas oo ku tusaysa in taliska ismaaciil cumar geele ogalayn in Somaliland noqoto dawlad jirta oo ka hana qaada geeska Africa iyo aduunka intiisa kale sidey imikaba uga dhex hilaacdey mandaqada ay ku taal sidaas oo ay tahayna waxba ugama baahna horena ugama baahanayn oo waxba kuma taro inta la ogsoon yahay aan ka ahayn danta siyaasiga, allah Weyn ruuxii aaminaa Awoodle. Qaranimadiiba waxay noqotay danaysi siyaasigu inagu guud furay oo ka dilaalaya shacbiga ku hoos dhaqan ee aaminay oo dantooda dhawranaya kaalintii xukuumadu gabtay xisbiyaduna gabe oo waa wada dilaal oo Dilaal-dilaal Dhaama Maleh Asxaabta qaranku sowkuwa u baratama ee ukala dheereya jawaabta mamulka xamar iyo ta cali khaliif maxay tan Jabuuti uga habradeen? Shacabow anaa idiin sheegi dilaalka inoo dhuuntay dantuu ku qabo Jabuuti Ee Horta Siyaasi Waa Kuma siyaasigu waakan ay inoo sheegayso maansadani
Siyaasiga Wada Basaasta ah
Markuu Codka Baadhanaayo
Markuu xilka Beerka Saaro
Siyaasiga Boob la tooska
Siyaasiga Beebta Sheega
Siyaasiga Boocda Daaqa
Intuu Xilka Boodhka jiido
Siyaasiga Tiinka beera
Damiirka intuu Bireeyo
Shalayto Wuxuu Ka Baanay
Siyaasiga Aan ka Baydhin
Dadkii bilay Ee Gunneeyaya
Inuu Bilo Baahidooda
Siyaasiga Aan Bun Siisan
Markuu Bugcadiisa Gaadho
Siyaasiga Aan Bariidin
Maansadani waa mid sifaysay damiirka siyaasiga dantiisa inagu fushanaya Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI midna kama hadal dhacdadii Jabuuti oo afka iyo dhegahaba weyka xidheen ka hadalkooda waayo hadii ay ka hadlaan dantii Jabuuti ay ku qabeen bay waayayaan hadii ay tahay passporka ay danaysiga ku heleen danaha ay Jabuuti ay ka leeyihiin waxaa lagu macnaynkaraa dhawr qaybood mid dhaqaale iyo mid siyaasi ah waana ta ku khasbaysa inay ka aamusaan in taliska Jabuuti qaranimada Somaliland inkiro marka aynu u holano inaynu eray ka nidhaahno dhanka siyaasada asxaabta xisbiyada qaranku ayaa waxaa la ogyahay inay dhaqaale Danaysi siyaasadeed ah ay ka helaan ganacsato u dhalatay Jabuuti oo si dadban uga hela iyagoo laga dhex daalacdo xisbiyadooda marka dhanka danta shaqsiga ah laga eegana waxaa marag madoona ah inay tiro badan oo siyaasiyiinta masraxa siyaasada dalka ku leexaystaa ay sitaan baasaaboorka Jabuuti taas oo ku kalifaysa in aanuu ka hor iman kaligii taliyaha Jabuuti maadaamuu ku dulnool yahay dilaalnimda shacbiga dulman waxay ubaahan yihiin hogaamiyayaal muxaafid iyo mucaaridba leh oo dantooda ka horumariya ta shacbiga sidii allah naxariistii jano haka waraabiyee marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo la ogaa sidii uu Jabuuti taliskeeda u ga xidhay cir, dhul, bad iyo bariba. Ugu dambayntii waxaan maqaalkan ku soo afmeeray.
Qof Karaamo lihi Been
Abid Kuma Kalaamee
Ka Kufriyay Siyaasiga
Runta lagu Kadeedey
Qalinkii Wariye Maxamud Cabdiraxmaan Xirsi (M.fantastic)