SAAMAYNTA SIYAASADEED EE AY YEELAN KARAAN UNUGAN GARABKII JAMAAL KA FALIIDHMAY ? MAXAMUUD AXMED BAAR-CAD

0
361

SAAMAYNTA SIYAASADEED EE AY YEELAN KARAAN UNUGAN GARABKII JAMAAL KA FALIIDHMAY
………………………………………………………………………………………..

Bulsho ama xoog mabda’a ku midaysnayd micno ma yeelato haddii aanay hogaan lahayn, heshiis sida loola gala way adag tahay hadiiba la waayo cidii matalaysay ee Jilaaga u ahayd, waxay qiimo yeelanayaan markay cid ay ku daba faylaan jirto, waana sababta Alle SWT inoo faray inu Hogaan la samaysto oo isaga la adeeco, hubaal Bulsho ama koox bilaa hogaan noqotaa way jabtaa guul siday ku gaadhaana way adkaataa.

Waxa maanta sida warbaahintu baahisay Xisbiga Waddani ku biiray Unug ka faliidhmay garabkii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen hogaanka iyo Musharaxaba u ahaa ee isaga taabacsanaa, Siyaasadiisa iyo Hogaamintiisana la dhacsanaa dabcan shantii sanno ee uu Jamaal Cali Xuseen saaxada siyaasadda Somaliland ku jirayba waxaa Xisbiga Ucid miisaan u yeelaayey oo dadka soo jiidanaayey Aqoonta uu Jamaal leeyahay iyo Guulaha nololeed ee uu ka gaadhay halgankiiwaxbarasho iyo midkiisii nololeedba, dhamaan dadwaynaha Reer Somaliland waxay u hanqal taagayeen horumarka Jamaal uu u horseedi karo haduu hogaanka dalka qabto oo uu madaxwayne noqdo ama cid kaleba garab ku siiyo siday talaabo tolmoon dalka ugu hagi lahayd,

Ka dib markii ay soo idlaaday rajadii mushraxnimo ee Jamaal Cali Xuseen labbada Xisbi qaran ee Waddani iyo Kulmiye waxay baratan u galeen sidii u mid walba u hantiyi lahaa garabkaa Jamaal Cali Xuseen Hogaamiyaha u yahay ee aqoonta Jamaal astaanta u tahay, Jawharada loo kala baratamaayey Jamaal ayey ahayd inta la socotaa waxay qiimo iyo qadarinba ku lahaayeen magaca iyo maamuuska Hogaamiye Jamaal Cali Xuseen, marka laga tago aqoonta iyo rajada Jamaal laga qabo sababata kaliya ee Jamaal qiimaha goonida ah u samaynaayey waxa weeye taageerayaashii baaxada waynaa ee uu dal iyo dibadba ku lahaa Jamaal iyo ta beesha uu ka soo jeedoba ee, ninka Jamaal ku soo xigay ee isna muhiimada goonida ah lahaa waa Mujaahid Cali gurey waayo Cali wuxuu ka mid ahaa hogaanka Ucid, waa waayo arag siyaasadeed oo asxaab badan la soo shaqeeyey wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbil Xaakimka Kulmiye, waa shakhsi ku dagaalama Qalin iyo Qawlba sidiisa ayuu Cali Gurey miisaan siyaasadeed ku leeyahay.

Haddaba micno intee leeg ayey samaynayaan Unugan maanta Jamaal ka weecday ee go’aanka qaatay Waddanina ku biiray? Qof qof marka loo eego garabkan shakhsiga ugu miisaanka Culusi waa Maxamed Haaruun Biixi sababtoo ah waa aqoonyahan laga filan karo inuu ka qayb qaato nidaamka horumarineed ee dadka laga iibinaayo, waa shakhsi nadiifa oo ka badax banaan qablaayad iyo qof jeclaysi, Xilka ma jecla intaan ka aqaan taa bedelkeeda se Horumarka iyo badhaadhaha dadkiisa ayaa micno wayn u sameeya, wuxuu eebe ku galaday aqoon iyo aftahanimo, Xasan Sabca beesha uu ka soo jeedo Faysal aya u musharax ah oo badi ay u codaynayaan inta ka soo hadhaana waxay u kala jabaysaa in Muuse Biixi abtinimo ugu codaysa iyo in Ismaaciil Buubaa raacday, Rooda Axmed na talada reerkooda Dumar ayey ka tahay inta kalena hadalkoodaba daa, isku soo wada duuboo dhamaantood waa niman isku Miisaan ah waayo waa lagaga saamayn baddan yahay Deegaamada ay ka soo jeedaan magac ahaana waa la garan karaa taageerada ay ku biirin karaan hadba cida ay la midoobaan oo waxa daliil kuugu filan Awoodii ay Jamaal la garab taagnaayeen dhumucda iyo dhadhankay lahayd.

Jamaal hankiisii musharaxnimo maanta meesha wuu ka baxay laakiin Ogow Hankiisii horumarineed ee uu dadkiisa iyo dalkiisaba la damacnsanaa wali waa jiraa oo halkuu ku biro ayuu la tagayaa, Aniga shakhsiyan Waddani iyo Kulmiye waxa taageeradii Garabka Jamaal ku guulaysan doona ka hantiya Jamaal Cali Xuseen waayo waa Boqorka garabkii taabacsanaa, shinidu waxay micno, manfac iyo malaba samaysaa markay Boqorkeeda haysato haddii boqorka laga dilana Caydh ayey noqotaa oo manfac ma yeelato dadka way ku degtaa oo dishaa hadba Deegaanka ay degtana shinidaa bilaa Boqorka ahI waa looga cagaa ilayn dad cun ayey noqotee, Unugan tareenkii Jamaal maanta ka degey saamayn siyaasaadeed iyo mid deegaanba oo baddan kuma biirin doonaan Xisbiga Waddani wuu ogyahay intaas oo dhan haddana wuu ku qasban yahay inuu isku qanciyo HADDII DAYAXA LA WAAYO XIDIGAGAA LAGU GUDAA.

Qalinkii: Maxamuud Axmed Hirsi Baar-cad
Email: Mfigo04@gmail.com