Safiirka Somaliland u fadhiya Germany ayaa kulan laqaatay Madaxwayne ku xigeenka Nigeria

0
578

Safiirka Somaliland u fadhiya Germany ayaa kulan laqaatay Madaxwayne ku xigeenka Nigeria Sidoo kalena Gudoonsiiyay Buugaag Taariikhda Somaliland ka  hadlaysa

Safiirka Somaliland u fadhiya Germany ayaa casuumad ka helay  Safiirka Nigeria u fadhiya Germany H.E. Yusuf Maitama Tuggar kuna soo casuumay shir balaadhan oo lagag hadlayay Arimaha Dalkiisa,
Shirkan oo ahaa mid Si heersare ah loo soo agaasimay aya waxa furay safiirka Nigeria u fadhiya Berlin Waxaanu ku soo dhaweeyay madasha dadkii ka soo qaybgalay  oo isugu jiray Masuuliyiin Dalkiisa ka socotay oo uu hogaaminaayay Madaxwayne ku xigeenka Dalkaasi iyo wasiiro madaxda Rugta ganacsiga ee isla Dalkiisa iyo xubnob Aqalka Barlamanka Dalakan Germany ka mida ah, iyo Safiiro sidoo kale Ganacsatada ugu waawayn Dalka Germany ayaa iyaguna ku sugnaa Shirka
Waxa goobta ka hadlay wasiirka Maalgashiga Nigeria iyo masuuliyn ka socda rugta ganacsiga ee dalkaas  sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xubno aqalka Barlamanka Dalakan Germany kabtirsan
Waxa shirka intabada lagag hadlaayay sidii loo maalgashan lahaa Nigeria iyo sidii loo hirgalin lahaaa suuqa xorta ah ee Africa isla markaana looga faaiidasan lahaa hanaanka Cusub ee lagu maal galinaayo Africa
Hadaba waxaa hubaala in jarmalku yahay Manta Dall saamayn wayn kule Qaarada Africa iyo dunida inteeda kaleba waxaanu manta hagayaa Midawga Europa waxaana lagama maarmaana ah in la hele qaab loola dhaqeeyo waxaan muhiim u ah saldhigna u noqonkarta in la gaadho wada shaqayn buuxda in sibuuxda looga hawlgalo isla markaana  lagu soo jeediyo siyaasiyinta iyo tujaarta Dunida inadhahooda Dalka Somaliland
Intii shirku socday waxa sidoos ah Su‘aalo loo waydiinayay masuuliyiintii khudbadaha jeedinaayay Waxaana la iswaydaarsanayay  Macuuladka iyo Xidhiidhka gaargaarka ah
Waxaa shirka soo xidhay Madaxwayne ku xigeenka Dalak nigeria H. E. prof. Yemi Osinbajo,   oo ku soo gunaaday khudbad aad udheer oo dhinacyo badanbtaabanaysa kagana waramay guud ahaan Kobaca dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka Africa  gaar ahaan Dalkiisa ,
markii uu soo gabab gabeeyay khudabdiisa waxa kulan laqaatay Safiirka Somaliland u fadhiya Germany sidoo kalena gudoonsiiyay Buugaag ka hadlaysa tarikhda Somaliland,
Sido kale safiirku waxa uu Madaxwayne ku xigeenka u sharaxay Xalada Somaliland sidoo kalena waxa uu ka codsaday in ay ka taageeraan Qadiyada ictiraaf raadinta iyo waxbarashada, Waxaanu  ku soo dhamaaday kulanani oo muhimad gaara lahaa is afgarad wanaagsan.
Maaha markii ugu horaysay ee safiirku la kulmo masuuliyiin Xillal  waawayn ka haya Dalalkooda ilsa markaana kala hadlo qadiyada Somaliland Waxaanay kulamada noocan ahi wax wayn katarayaan Ololaha loogu jiro Muujinta qadiayad Somaliland iyo jiritaanka Dalka.