Sawiro :- Guddoomiye Cirro iyo Wefti Ballaadhan oo uu Hoggaaminaayo oo Saaka Safar Hawleed Shaqo ugu Dhoofay Dalka UK

0
292

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, Marwadiisa iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo, ayaa safar shaqo oo hawl-maalmeed qaran ah ugu baxay dalka Ingiriiska.

Murashaxa iyo weftiga uu hoggaaminaayo, ayaa ka saaka ka dhoofay garoonka doyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana ay halkaas ku maqnaan doonaan muddo kooban iyada oo Dr.Cabdiraxmaan Cirro uu marti-qaad rasmi ah ka helay Machadka lagu falan-qeeyo arrimaha caalamka ee loo yaqaano CHATTAM HOUSE isaga oo ka jeedin doona khudbad aad u dheer oo ka hadlaysa xaaladda Somaliland, dimuqraadiyadda, Doorashooyinka iyo weli ba abaaraha ka jira Somaliland.
Murashaxu, waxa kale oo uu kulamo la soo yeelan doonaa jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi, gaar ahaan taagerayaasha Xisbiga Waddani iyo weli ba aqoonyahanka kale ee reer Somaliland ee halkaas ku nool oo uu iyaga na kala soo hadli doono badbaadinta Somaliland.
DAAWO, sawirada
Image may contain: 9 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 7 people, people standing and suitImage may contain: 8 people, people standingImage may contain: 10 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 8 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 8 people, people smiling, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 10 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 8 people, people standingImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: airplane