SIYAASI C/RAXMAAN AADAN AW MAXAMUUD SH. HAARUUN OO SHACABKA HARGEISA IYO SALLAXLEY UGU BAAQAY IN AY IS DIWAANGALINAYAAN

0
298

Bismilaahi raxmaani raxiim

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Dhamaan shacab weynaha Somaliland, meel walba oo ay joogaan, waxaan ku salamaya salaanta islaamnka, Asalaamu caleykum.

Sideynu wada ognahay, Dalkeena Somaliland saddexdii afartii bilood ee u danbeeyey, waxaa si habsami leh uga socotay diwaangalinta codbixiyayaasha, iyadoo goboladda togdheer, saaxil iyo awdal laga soo faroxashay, si nabad galyo iyo guul lehna ugu soo dhamaatay, shacabka xariirta ah ee goboladaasna aan ugu hambelyeynayo.

30 April maalinta sabtida ah ee fooda inagu soo heysa, shacabka hargeisa iyo degmadda sallaxley waxay u dareeri doonaa diwaangalinta, iyadoo ay ka muuqato dheeranaan badan madaama goboladii kale ee dalka guul ku soo dhamaatay, waxaan maqaalkaygan uga faaideysanaya, in aan halkan fariin uga mariyo shacabka, kuna dheerigaliyo in ay qalbi furan iyo firfircooni ku soo dhaweeyaan bilowga diwaangalinta, si habsami lehna uga qeyb qaataan mudadda ay socoto diwaangalintu, sidoo kale waxaan ku baraarujinayaa in ay ilaaliyaan shuruucda diwaangalintu leedahay, lana shaqeeyaan hawl wadeenadda koomishanka doorashooyinka ee hawshaas u xil saaran si nabad gelyo iyo soo dhaweyn leh.

Fariinta labaad ee aan shacabka gaadhsiinayo waxay tahay, diwaangalintu muddo ayey ka socon doontaa deegamadda, mudadaas in lagu baraarugsanaado oo jaanis laga faaideyto, dadku ogaado diwaangalintu in ay furro u tahay horumarka deegaankooda iyo higsiga himiladooda.

Guntii iyo gabogabadii, Shacabka ha u dareero goobaha diwaangalinta si ay u muujiyaan wadanimo iyo dal jecel, abaabulka iyo ka faaideysiga jaaniskana ha la ogaado.

Waad mahadsan tihiin

Abdirahman Aden aw Maxamuud sh. Haaruun.

063 4403330.

Hargeisa, Somaliland.