Wafti Culus oo uu hogaaminayo Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Mudane Axmed Abokor Maxamed oo Safar shaqo ku jooga wadanka Uganda ayaa booqdey goobo waxbarasho + Sawirada waftiga

0
289

Uganda ( Ceelgardinews.com ) :- Wafdi uu hogaminayo Agaasimaha Guud ee wasaarada Wxbarashada iyo Tacliinta Sare mudane Axmed Abokor Maxamed oo safar shaqo ku jooga wadka UGANDA ayaa maanta booqday Dugsiga Sare ee KIBILI SECONDARY SCHOOL oo ah Dugsi sare oo boodhin ah ahna mid ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah , Ujeedada safarkan ee wasaaradu ku tagtay wadanka Uganda ayaa ah inay khibrad kasoo korodhsadaan nidaamka casriga ee ay u shaqeeyaan dugsiyada Boodhinka ah .
Wasaarada Waxbarashadu waxaa qorshayaasheeda ku jira inay tayeyso waxbarashada dalka meelaha waxbarashada laga tayeeyana waxaa ka mid ah Dugsiyada boodhinka ee loo hoydo, Booqashadan ayaa sidoo kale wafdigani waxay ku tagi doonaan goobo badan oo ka tirsan goobaha waxbarashada Dalka Uganda.
Kulankii maanta waxaa la isku afgartay inay Dugsigan Sare ee KIBILI SECONDARY SCHOOL iyo Dugsiyada Sare ee Boodhinka ah ee kala ah DAYAXA oo kuyaala Ceerigaabo iyo Dugsiga boodhinka ah ee Laasacaanood la mataaneeyo.

Xubnaha Wafdiga uu agaasimuhu hogaaminayo waxaa ka mid ah:
1. agaasimaha waaxda Dugsiyada SAre –
Maxamed Dalmar
2. Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sanaag CABDALE MAXAMUD MAXAMED
3. Gudoomiyaha WAxbarashada Goboa SOOL YUUSUF CABDI MAXAMED
4. maamulaha Dugsiga Boodhinka Laasacaanood HAYKAL CABDIRAXMAN
5. Madasha mashruuca SDF ee wasaaradda waxbarashada MAXAED ISMAACIIL SULDAN
6. Lataliyaha MAshruuca SDF ee wasaarada waxbarashada XASSAN AXMED XASAN

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRAD WAFTIGA