War Deg Deg ah Maxabiis ku xidhan Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa cuntada ka soomay

0
304

Maxabiis ku xidhan Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa cuntada ka soomay, sida ay  ku heshay xoggo lagu kalsoonyahay oo xabsiga dhexe u dhuun-dalloola.

Maxabiistan cuntada ka soomay oo tiradooda lagu sheegay ilaa 8 Maxbuus, oo muddo dheer ku xidhnaa Xabsiga, ayaa talaabadan ku kacay, kaddib markii sida la sheegay wakhtigii xadhiga lagu xukumay ka dhamaaday, sannado dheeraad ahna ay ku muddo-dhaafeen Jeelka.

Sida ay xogguhu sheegeen maxaabistan, ayaa  muddo todobaad ah cuntada ka soomanaa, cunnina wax oomato ah.

warku wuxuu intaa ku daray in dhamaan Maxaabiistani ay  ka soo jeedaan Gobolka Awdal, una xidhnaayeen dambiyo kala duwan, sida Argagixiso, Tuugo iyo falal kale, kuwaasoo ay u xidhnaayeen muddo ka badan toban sannadood oo ay xabsiga ku jireen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Xabsiga dhexe ee Hargeysa iyo Wasaarada Cadaalada oo la xidhiidha cunto-ka-soomista Maxaabiistan, walina nooma suurto-gelin inaanu helno masuuliyiinta oo aanu qaarkood la xidhiidhnay.

Hase ahaatee, xaaladan cunto ka soomista ee ay Maxaabiistu ku dhaqaaqeen, ayaa la sheegay inay walaac ka abuurtay Xabsiga dhexdiisa, isla markaana laga cabsi qabaa inay Maxaabiis kale oo badani ku daydaan.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Sarkaal hore uga tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland isku dhex deldelay Xabsiga, waxaanay dhacdooyinka noocaas ahi muujinayaan dayaca Xabsiyada iyo xogogaal la’aanta Hay’adaha Cadaalada ee ay khusayso.

Inta badan Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada laftooda, ayey Maxaabiistu ku xidhnaadaan wakhti badan iyadoo aan la xukumin ama wakhtigii xukunku ka dhamaaday.

Waxaana taas sabab u ah ma jiraan Hay’addo si madaxbanaan baadhis ugu sameeya meelaha dadka lagu xidho ama dabo-gal iyo la xisaabtan ay Hay’addaha Cadaalada iyo Golaha Baarlamanku ku sameeyaan Maamulada Xabsiyada iyo Booliska.

Xigasho Gobanimonews