WAR DEG DEG AH XILDHIBAANADA GOLAHA DEEGAANKA BURCO OO DOORTAY MAAYIR CUSUB

0
291

Burco(Ceelgardinews.com)  Iyadoo uu mudooyinkii ugu dambeeyeyba Jiray Khilaaf Baahsan oo u dhexeeya Qaar ka mid ah Golaha Deegaanka Ee Degmada Burco iyo Maayirka Degmada Burco Kuwaasi oo si weyn ugu Kala aragti duwanaaday Dhul Dan guud ah oo ku yaala Gudaha magalada Burco Waxaana sidoo kale Khilaafkani Golaha deegaanka Ku Lug leh Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta somaliland Cali Mareexaan.

Xildhibaanada Sida weyn uga Soo horjeeda Maayirka degmada Burco ayaa waxa ay Kulan ay isugu yimadeen Hultel Ramad ee Magaalada Burco waxa ay ku dhawaaqeen Maayir Cusub oo ay Sheegeen in ay u doorteen Magaalada Burco.

Xildhibaan Cabdirisaaq Obsiiye Oo Ku Magac dheer Shiine faliidh ayaa waxa Ay sheegeen in ay u doorteen Maayirka Cusub ee Degmada Burco, Waxaana Hadalo ay xildhibaanadu halkaasi ka soo jeediyeen ay dhaliilo Xoogan ku Ganeen Wasiir Cali Mareexaan Iyo Maayirka degmada Burco.