Berbera(Ceelgardinews.com)Bada Berbera ayaa goordhawedyd liqday sadex caruur oo ku dabaalanaayay agagaarka Dekeda kaluumaysiga Berbera,Sadexdan caruur ah oo reer Berbera ah ayaan ilaa hada maydadkodii lahayn oo la baadhaya, waxaana la sheegay in xiliga ay bada galayeen caruurtani inay kasoo rawaxeen Malmaacad qurxaan ku taala xaafada daaroole ee Berbera oo ku dhaw goobta ay bada ka galeen ee agagaarka xarunta kaluumaysiga Berbera ee Neck fish.
sadexda caruur ayaa waxa dadooda lagu qiyaasaya 8 jir ilaa 7 jir inta udhaxaysa waxaana sadexda caruur ee badu liqday laba kamida kala dhalay Axmed Haybe Warsame(Malas)oo kamida shaqaalaha Dekeda Berbera iyo Maxamed Saalax oo isaguna kamida dadka reer Berbera ahaan jiray Ganacsade ka shaqeyn jiray shirkada Sigaarka ka ganacsata oo la odhan jiray Bat.Wiilka sadexaad ayaan ilaa hada la aqoonsan cida dhashay walina
waxa bada laga baadhayaa Meydadkoodii oo aan lahaynin, waxaana xeeliga bada ama halkii ay bada ka galeen laga helay maryahoodii iyo buugaag ay siteen.
Sababta liqida Bada ee caruurtan ayaa loo aanaynayaa bada oo kusoo buuxsantay markii ay galeen iyada oo caarid ah ilaa hada noomay suuragalin in aanu war ka helo waalidiinta caruurtan dhalay oo ku hawlan baadhista maydadka caruurta oo bada laga baadhayo
Wixii war kasoo kordha kala soco shabakada wararka Ceelgardinews.com
Ceelgardinews.com
xafiiska Berbera