WAR DEG DEG AH”SULDAAN MAXAMUD AXMED SHEEKH OO KUDHAWAAQAY XILIGA UU QABSOOMAYO SHIRKA BEELAHA CIISE MUUSE EE BAXARASAAFKA LAGU QABAN DOONO

0
343

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Suldaan Maxamud Axmed Sheekh oo ah Suldaanka Labaad ee Beelaha Ciise Muuse ee Deegaanka ku ah Gobolada Saaxil.Maroodijeex iyo Togdheer ayaa caawa iclaamiyay Xiliga uu qabsoomayo shirka aaya katashiga ah ee Beesha Ciise Muuse ku yeelan doonaan deegaanka Baraxarasaafka ee waqooyiga kaga beegan Degmada Laasgeel(Dacarbudhuq)waxaanu suldaanku sheegay in shirkaasi qabsoomi doono 1da bisha Augos 01/08/2016

Waxaana Suldaan Maxamud Axmed Sheekh uu iclaamka shirkan idan ama ogolaansho buure ah uga haystaa sida ay sheegayaan warka aanu helay Suldaanka Guud ee Beelaha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo kusugan dalka isutaga imiraatka carabta gaar ahaan Mandaqada Cujmaan oo uu daganyahay sidoo kale waxa hareera fadhiyay xiliga uu Suldaan Maxamud Axmed Sheekh ku dhawaaqayay xiliga uu shirkani qabsoomi doono Sulaadiin, Cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad tira badan oo mkasoo jeeda Beelaha Ciise Muuse.

Sidoo kale waxa uu Suldaanku sheegay in todobaadkan horaantiisa la magacaabi doono gudidii qaban qaabada shirkaas beelaha Ciise Muuse oo ka shaqayn doono qabanqaabada shirka

Warkan Oo Muuqaal ah Goor dhaw filo