WARBAAHINTA IYO URURADA SAXAAFADDA OO XADHIGA HAATUF EE LABA JIRSADAY KAGA HADLI DOONA KULAN BARITO LAGU QABANAYO XARAF RESTAURANT

0
332

Hargeysa,(Ceelagrdinews.com)-Warbaahinta iyo ururada saxaafadda ee Somaliland ayaa u balansan inay isugu yimaadaan kulan ballaadhan oo galinka hor ee barito ka dhici doona Xaraf Restaurant ee Hargeysa kaasoo laga hadli doono xayiraada hadda laba jirsatay ee ay xukuumadda madaxweyne Siiraanyo ku soo rogtay sadexda wargeys ee Haatuf,The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi kuwaaso ay magaalada Hargeysa ka soo saari jirtay Shabakadda Haatuf Media Network.

Ciidan hubaysan oo laga soo amray madaxtooyada Somaliland ayaa 4/7/2014 albaabada u laabay xarunti Haatuf Media Network ka dib markii uu wargeyska Haatuf ee Afsoomaaliga ku soo baxaa soo daabacay maqaalo daahfuraya musuqmaasuq baahsan oo uu ku kacay wasiirka Macdanta iyo xubno ay gacan saar wada leeyihiin oo ka tirsan qoyska madaxtooyadu.

Capture