WARGEYS MAANTA KA SOO BAXAY PARIS OO SHEEGAY IN MADAXWEYNE SIIRAANYO LA AAMUSAY $ 5MILYAN OO AMIIRKA KUWAIT UGU SOO DHIIBAY ABAARAHA

0
285

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Wargeys ka soo baxa magaalada Paris oo la yidhaahdo Indian Ocean Newsletter ayaa cadakiisii maanta ku sheegay in madaxweynaha Somaliland Axmed Siiraanyo markii uu ka soo noqday booqashadii uu ku tagay dalka Kuwait badhtamihii bishii hore (March 15-19) uu ummaddiisa kala aamusay 5 milyan oo doolar oo Amiirka dalka Kuwait ugu soo dhiibay in lagu gargaaro dadka ku nool gobolada galbeedka Somaliland ee ku tabaaloobay abaaraha.

Sida uu wargeysku sheegay Aamina Maxamad Jirde oo ah afada Siiraanyo ayaa madaxweynaha ugu digtay inuu  ka hadlo lacagtan iyadoo dib u xasuusinaysa inay ku shubtay xisaabteeda baanka (Akaawn).

Wargeysku waxa kale oo uu xusay in madaxweyne Siiraanyo uu weydiistay Amiirka Kuwait Sabaax Al-axmed inuu maalgalyo mashruuc lagu dhisayo madaarka Burco.Isagoo arimahii ay Amiirka Kuwait ka wada haleen  ka waramayana wargeysku waxa uu yidhi:    “Madaxweyne Siillaanyo faro-madhnaan  kalamuu soo noqonin booqashadiisii Kuwait iyadoo Amiirka Sabaax Al-axmad u balanqaaday inuu maalgaliyo mashruuc dib loogu dhisayo madaarka magaalada uu Siilaanyo ka soo jeedo ee Burco taasoo aheyd arin lala yaabo maa daama aanu wasiirkii Duulista iyo Hawadu la soconin wafdiga madaxweyna