Mudane Madaxweyne, Qaar Ka Mid Ah Ragga Masaajidada Gobolka Saaxil Kaa Aflegaadayn Jiray Ayaa Maanta Nooga Nasiib Yeeshay Xilalka Qaranka
Anigoo ka mid ah Ragii Halgankii Adkaa Kula Soo galay e Xiligii olalihii Kursiga Madaxtooyada e aad Hada Ku Fadhido, kulana soo galay halgan qadhaadh sideedii sanadod aad Mucaaradka ahayd ná mar walba kula socday
Waxaanu eegaynay masuuliyiinta aad gobolka saaxil usoo magacawdo inay ka dhexmuuqdaan Ragii aad wax wadalahaydeen nasiib daro may dhicin Shiine Abdi Barkhadle iyo mustafe waxdad ayaad ka magacowday Kulmiye. Labaduba mudda gaaban ayaa xilkii Lagaga qaaday, Waana Nasiib Daro Dhamaan xilalka gobolká
Dadka hayaa waxay ka soo jeedaan xisbigii Udub , Qaarkoodna Waa Ragii Xataa Masaajidada Kaa Aflagaadayn Jiray Mudane madaxweyne miyaanay fiicnayn Xilalka gobolka inaad wax ka siiso Ragii ku raacay maalintii aad Hiilka u baahnayd oo aad u cadaalad samayso Waxaana Ayaan Daro Ah Udubtii Kulmiyawday Markayne Ka Guulaysanay in Ay Maanta Nooga Nasiib Bateen Xilalkii Guud Ahaan Wadanka iyo Gobolka Saaxil,ba Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa Arinkaas miisanka uleeyahay inaad Saarto oo deg degi uga soo jawaabto Ragii wax kula lahaa xilalka gobolká ugu Sareeya wax ka helaan
Wabilaahi tawfiiq
Xaaji Cabdi Jaamac Aadan