Wefti Ka Ka Socday Hay’ad Cilmi Baadhiseed oo Mareykan Laga Lee Yahay oo Booqasho Saaka Ku Tagey Dekadda Magaalada Berbera+SAWIRO

0
355

Berbera(Ceelgardinews.com) -Wefti ballaadhan oo ka socday Hay’ad cilmi baadhiseed oo laga lee yahay dalka Mareykanka isla mar ahaantaana fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa maanta booqasho indho indheyn ah ku tagey dekadda magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

Weftigan oo uu hoggaaminayey madaxa hay’adda FORCIER ee u qaabilsan Somaliland Md.Xasan Cumar Xasan(Xasan Ogaal), ayaa gebi ahaantoodba si ballaadhan looggu soo dhaweeyey dekadda caalamiga ah ee magaalada Berbera, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey Maareeye ku xigeenka dekadda magaalada Berbera Md.Cumar Abokor Jaamac oo halkaas ku soo kala tusay ugana soo xog waramay qeybaha kala duwan iyo weliba sida oo kale meelaha ay Maraakiibta dekaddu ku soo xidhato

 

8ff4149d-6243-4f56-82d9-4cf4bbea71a13d86377f-69a1-41ab-b321-ecfc104993a8

Madaxa hay’adda FORCIER ee u qaabilsan Somaliland Md.Xasan Cumar Xasan(Xasan Ogaal), oo kormeerkaasi ka dib la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa faah faahin ka bixiyey u jeedka socdaalkooda iyo weliba sida oo kale shaqooyinka kala duwan ee ay ka hay’ad ahaan u qabtaan qaranka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in ay cilmi baadhisyo ku sameeyaan waxyaabaha aas aasigu u ah baahiyaha kala duwan ee Somaliland si loo helo xoggo sugan oo suurta-geliya in sida ugu habboon wax loogga qabto baahiyahaasi.

“Farxad weyn ayey runtii aniga iyo weftigaba ii tahay in aanu maanta soo booqano dekadda magaalada Berbera, waana runtii dekad muhiim noo ah ka hay’ad ahaan oo aanu adeegsan doono wakhtiyada mustaqbalka haddii Eebe qadaro. Ka hay’ad ahaan waxa aanu qabanaa oo aanu sameynaa baadhitaano cilmiyeed ku waasi oo ku dhisan nidaam aqooneed oo xaqiiqo ah, maantana dunida wax lagu horumaray waa kaliya sida look ala cilmi baadhis badan yahay, taas ayaana suurto-gelinaysa in aynu helo waxa ugu munaasibsan ee aynu mar walba ku hilaadin karno raadinta xalka ugu habboon ee dhibbaato ama baahi nololeed ee ina haysta ah. Aad iyo aad ayaanu ugu mahad-celinaynaa Maareeye ku xigeenka dekadda Berbera oo runtii si habboon oo milgo leh noo soo dhaweeyey, qeybaha kala duwan ee dekaddana nagu soo wareejiyey xoggo muhiim ahna naga siiyey.”.Ayuu yidhi Xasan Cumar Xasan

Xubno ka mid ah weftiga cadaanka ah ee madashaasi maraayey oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiraan ee lagu qaabilay, waxaana ay tilmaameen in ay farxad gelinayso in ay arkaan dekad uu ka socdo horumar aad u ballaadhan, isla mar ahaantaana aad u baaxad weyn, iyaga oo carabka ku dhuftay in ay mar walba iman doonaan si ay u adeegsadaan dekaddan ka hay’ad ahaan.

Maareeye ku xigeenka Dekadda magaalada Berbera Md.Cumar Abokor Jaamac, isna halkaas ugu dambeyntii ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in uu dekadda Berbera ku soo dhaweeyey hay’addan cilmi baadhiseed, waxaana uu tilmaan ka bixiyey in dekadda magaalada Berbera ay ka mid tahay dekadaha ugu horumarsan uguna casrisan guud ahaan geeska Afrika, isaga oo sheegay in baaxaddeedu ay suurto-gelin adeegyo ganacsi oo aad u ballaadhan.