XOGHAYAHA CADAALADA XISBIGA WADDANI OO SI ADAG UGU HADLEY XADHIG AY CIIDAMADA SIRDOONKU U GEYSTEEN LABA SUXUFI OO KA HAWL GALA MAGAALADA HARGEYSA .

0
317

Hargaysa (Ceelgardinews.com) xoghayha cadaalada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani haldoon Barkhad Jaamac Xirsi ayaa waxaa uu si adag uga hadley xadhigii ay maalinkii shalay ahaa ciidamada sirdoonku u geysteen laba saxafi oo ka hawl gala magaalada Hargeysa waxaana uu yidhi

Waxaan aad uga xumahay ayaan darro iyo laf jab qaranna ah in suuqa dhexdiisa laga qafaasho muwaadiniin suxufiyiin ah kuwaas oo sabab loo qafaashay aaney jirin iyadoo la sheegay in ciidamada siroodnku qafaasheen!

Goormay sirdoonkuna awooda xadhig yeeshan? Waa astaan daliil u ah habowga dawladnimo ee dalkan Ku habsaday. Qofka Suxufiga ahi wuxu leeyahay xuquuq qoraal oo u dadka ugu soo tabin karo dhacdooyinka maalin laha ah, waxaana reeban inuu qalinka suxufigu noqdo mid lagu xalaashado ceebeynta madaxda iyo masuuliyiinta dalka.

Haddii labadan suxufi lagu haysto war waxaa haboon in xadhigooda loo maro sifo sharciga waafaqsan oo maxkamad sharci ah laga soo dacweeyo ka dibna ay noqdaan eedeysanayaal markay helaan samanka dacwada loo haysto ka dibna ay jawaab celin sameeyaan lana mudeeyo dhageysiga garmaqalka dacwada labada dhinac haddii denbi lagu helana lagu ciqaabo haddii lagu waayana xoriyadooda loo celiyo.

Qaacido sharci ah ayaa leh qof kaste waa xor xaqna xadhig looguma laha ilaa denbigiisa maxkamad Ku hesho. Tanni waxay daliil u tahay xadgudubka lagu sameynayo madaxbannaanida waaxda Garsoorka dalka waana in gudoomiyaha maxkamada sare xoriyadoodii labadaa suxufi dib ugu celiyaa kadibna cidda eed u haysaa dacwad Ku soo oogto iyagoo xor ah.

Haddii sidan ay Ku sii socoto oo la isku joojin waayo oo sharciga dalka la ixtiraami waayo waxaanu si toos ah umadda ugu sheegi doonnaa cidda awooda dalka Ku tagri fashay dalkana maanta dhibta Ku haysa” Ayuu yidhi haldoon Barkhad Jaamac Xirsi xoghayha cadaalada xisbiga Waddani