WASAARADDA H. BIYAHA: Hadaf, Han & Balan Fulin. “Hirgalinta Dayactir lagu sameeyay Afar Ceel Biyood Oo Ka Mid Ah Lixdii Ceel Biyood Oo Aan Fulinta Dayactirkooda Bartan Idin Kula Wadaagay Doraad iyo Wadaag Kooban” Gobalka Sanaag.

0
739

• Ugu horreyn, Intiinii la socotay baan xasuusinayaaye, doraad, 30.08.2018 waxaan bartan ku baahiyay sheegmo wareed koobsanaysay in Injineero ka socda wasaaradda horumarinta Biyuhu dayactir ka bilaabeen lix ceel biyood oo kala dhaca gobalada Sanaag iyo Sool.

• Hadaba, nin baa beri hore laga hayay xigmadda caan baxday ee tidhaa “Beeni maxay Qaban Booramaan ka imiye”, anaguna haddaan nahay wasaaradda horumarinta biyaha JSL, waxaannu idin leenahay “Beeni maxay qaban wasaaradda H. Biyuhu maanta waxay ka hawl-galeysaa min Lawyacaddo ilaa Badhan, Laasqoray, Dooxa Bixin oo duleedka Garoowe dhaca, iwm”. Sidaa awgeed aan idinla wadaago waxqabadkii Injineerada oo afar ceel biyood maanta dayactirkooda soo afmeeray, islamarkaanna biyihii tijaabiyay oo waraabiyay dadkii iyo duunyadiiba. Afartan ceel biyood ayaa ka mid ah lixda ceel biyood ee hadda wasaaraddu hawsha dayactirkooda ka waddo guud ahaan gobalada Sool iyo Sanaag. Kuwaasi oo kala yihiin sidan soo socota:
1. Jiidali = Degmada Ceerigaabo
“””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””
Waxyaabaha laga fuliyay ceel biyoodka deegaanka Jiidali waxaa ka mid ah:
○ Bedelka Daynabada Biyaha soo saarta “Water pump”,
○ Beebka Biyaha Qaadda ” Water rising Pipe”,
○ Xadhiga Dabka “Electric Wire”
○ Iyo qoddobo kale oo muhiim u ah biyo soo saarka.

Odayaasha deegaanka Jiidali iyo maamulka ceelka ee fulinta hawsha dayactirka ceelka Jiidali goob joogga u ahaa waxaa ka kid ah:
1. Siciid Barre, oo ah maamulaha ceel biyoodka Jiidali,
2. Xasan Axmed Yuusuf oo ka mid ah odayaasha Jiidali,
3. Iyo Cumar Cali Gaarhaye oo isna ka mid ah odayaasha Jiidali.

2. Shimis = Degmada Badhan
“”””””””””””””””””””‘”””””””””””””””””””””
Waxyaabaha laga qabtay ceel biyoodka deegaanka Shimis, waxaa ka mid ah:
○ Bedelka Mashiinka biyaha ” Water Motor 30 KVA”,
○ Bedelka Daynabada Biyaha soo saarta “Water pump”,
○ Beebka Biyaha Qaadda ” Water rising Pipe”,
○ Iyo qoddobo kale oo muhiim u ah biyo soo saarka.

Madaxda gobalka, odayaasha deegaanka Shimis iyo maamulka ceel biyoodka ee fulinta hawshan goobjoogga u ahaa waxaa ka mid ah:
1. Cali Xuseen Soomaali, oo ah guddoomiyaha gobalka Badhan,
2. Maxamed Sulaymaan oo ah maamulaha ceel biyoodka Shimis.
3. Iyo wax garad kale oo ka soo jeedda gobalka Badhan.

3. Habar-shiro = Degmada Badhan
“”””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””
Waxyaabaha laga fuliyay ceel biyoodka deegaanka Habar-shiro waxaa ka mid ah:
○ Bedelka Mashiinka Biyaha “Water motor KVA”,
○ Bedelka Daynabada Biyaha soo saarta “Water pump”,
○ Beebka Biyaha Qaadda ” Water rising Pipe”,
○ Xadhiga Dabka “Electric Wire”
○ Iyo qoddobo kale oo muhiim u ah biyo soo saarka.

Odayaasha deegaanka Habar-shiro iyo maamulka ceelka biyaha ee ogaalka u ahaa waxaa ka mid ah:
1. Xasan Maxamed Xirsi, oo ah maamulaha Ceelka biyaha,
2. Xaaji Siciid Maxamed,
3. Cumar Maxamed Cali,
4. Iyo Beli Siciid Axmed.

4. Ceel-buh = Degmada Badhan
“”””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””
Waxyaabaha laga qabtay ceel biyoodka deegaanka Ceel-buh, waxaa ka mid ah:
○ Bedelka Mashiinka biyaha ” Water Motor 30 KVA”,
○ Bedelka Daynabada Biyaha soo saarta “Water pump”,
○ Beebka Biyaha Qaadda ” Water rising Pipe”,
○ Iyo qoddobo kale oo muhiim u ah biyo soo saarka.

Madaxda magaaladda, odayaasha iyo maamulka ceelka biyaha ee xafladdii tijaabinta biyaha ka soo qayb galay, waxaa ka mid ahaa:
1. Axmed Cali Salaad, oo ah guddoomiyaha magaaladda Ceel-buh,
2. Cabdirisaaq Shire Ciise,
3. Maxamed Xaaji Siciid, oo qh Injineerka qaybta,
4. Iyo Maamuleyaasha ceel biyoodka Ceel-buh.

Ugu danbeyntii, wasaaradda horumarinta biyaha JSL waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaysaa sidii loo hagaajin lahaa hanaanka adeegga biyaha dalka oo dhan. Hawshan waxaa fulinaysa wasaaradda horumarinta biyaha, waxaana naga caawinaysa hay’adda qaramada midoobay ee IOM.

#GUUSHA_BIYUHU_WAA_GUUSHA_QARANKA

Waad mahadsan tihiin

Jamal A. Muse

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha JSL.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here