Isuduwaha W/Xananada Xoolaha Gobolka Saaxil Wuxu Ka Mid Yahay Raga Sababaya In Dhalinyaradu Dalka Ka Tahriiban. –

0
376

Berbera(Ceelgardinews.)comarintan oo qof kasta oo caqli saliim ah lehi uu ka dagaalamayo

marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan bulshada somaliland anigoo ka tacsiyadaynaya geerida in ka badan 250 dhalintii dalka ee ku haligmay badda, arintaas oo u baahan in loo sameeyo baroordiiq qaran. 

Anigoo ka tirsan dhalinyarada gobolka saaxil ahna dhakhtar xanaanada xoolaha ah ayaa waxaan maqaalkan kaga hadlayaa arin fawaaxish iyo fadeexad ku ah nidaamka maamul ee dawlada taas oo uu igula kacay isuduwaha w/xanaanada xoolaha g/saaxil Dr.Cali (qudhanjo) isagoo aan ilaalineyn haykalka dawladnimada
arintan oo qof kasta oo caqli saliim ah lehi uu ka dagaalamayo ama ka tahriibayo ama iska dulmanaanayo. waxay ahayd 13,oct,2015 marki wasiir ku xigeen w/xananada xooluhu ii magacabay isuduwe-xigenka wasaarada ee gobolka saaxilka dib waxan waraaqdii magacabista gaadhsiiyey xafiiska badhasaabka gobolka iyo isuduwaha intaa ka dib wuxuu ii sheegay  isuduwuhu in aanu w/xigeenku awood lahayn warqadna soo qori karin, warqad wasiir ayuunbaan aqbalayaa
intaa ka bacdi waxaan geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii wasiirkii xiligaa joogay oo iminka ah wasiirka duulista iyo hawada uu iigu magacabi laaha jagadaa ka banaanatay xafiiska wasaarada ee gobolka saaxil iyadoo ay isoo wajahaday xaalado ad adagi oo xataa isuduwihii warqadi hore is hor taagay, uu wasiirkii saacaday wada hadlaanba uu kala hadlo in aanu wasiirku warqadaa ii soo qorin, aniguna illaahay ayaan tallo saartay. guntii iyo gebogabadii markii wasirkii uu ka fiirsaday xilalka is dul saaran ee isuduwaha iyo dhakhtarka dekeda berbera ee wasaarada xananada xoolaha ayuu wasiirku go.aansaday 03/Dec/2015 inuu ii magacaabo dhakhtar ku xigeenka dekeda berbera si loo dardar geliyo dhoofka xoolaha, shaqada caafimaadintoodana kor loogu qaado, nasiib daro isuduwihii markay warqadii soo gaadhay wuxuu si badheedh ah u diiday warqadii wasiirku igu soo magacaabay.
isagoo wasiirkiina ugu hanjabay inuu madaxtooyada tegi doono.
iyadoo mar isaga (isuduwaha) uu bedeley ilahay ha u naxaristee marxuum Dr.Cabdi Aw Dahir Laga Codsaday Inu Shaqada Ku Celiyo laakin wakhtigaa codsigaasi muu ahayn inuu sidan tacadi u sameeyo iyo inuu nidaamka dawlada iyo sharafta maamulka iyo kala dambeynta lumiyo. hadaba ilaa hada sidii ayaan waanwaan ugu jiray anigoo wakhtiyada qaar ay igu dhalato inaan dalkan dadki hawlgabka ahaa meel kasta xuurtaysteen meel uun uga carartid, markaas dhalintii dalkan dulmigaas oo miidhan ayaa lagula kacay iyadoo aanay cidina u joojinayn oo aad is odhanaysid malaa dadka waaweyni dhalinyarada way u heshiiyeen inkastoo in caqli fiicani ay ku jirto.
waxaan soo bandhigi doonaa labada waraaqood ee wasiirka iyo w/xigeenku igu kala magacaabeen, bulshada ayaanan leeyahay dulmigaas ayaa dhalinta haysta iyo mid ka darane waxba yaan la canaanan dhalinyarade  runta ha la isu sheego, oo sidi loo badbadin lahaa falawgeed hala qabto.
W/Q Dr. Max’ed Saleeban Cajab     Contact: 0634447792, Berbera

*********************************************************************

Ceelgardinews.com marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Ceelgardimedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga