2-SANO KADIB DOORASHADII MADAXWAYNENIMO EE DALKA EE MUUSE KU GUULAYSTAY

0
386

2-SANO KADIB DOORASHADII MADAXWAYNENIMO EE DALKA EE MUUSE KU GUULAYSTAY

13-November-2017 Waxay Ahayd Maalin ISNIIN Waana Maalintii Loo Dareeray Doorashadii Madaxwaynaha Dalkan Somaliland Ee Uu Kuguulaystay Mudane Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi

Maalintaas Waxaa Hada Laga Joogaa Wakhti Dhan (24-Bilood Ama 698 Maalmood Una Dhiganta 2-Sano Oo Buure Ah)

Doorashadaas Ayaa Sida Ay Sheegeen Komishanka Doorashooyinka Qaranku Loo Kala Helay UCID 4.17% WADANI 40.73% KULMIYE 55.1% Iyadoo Halkaasna Xisbiga Kulmiye Ku Guulaystay

Sida Aan Lawada Socono Madaxwayne Muuse Wuxuu Xilka Lawareegay Kadib Mudo Bil Ah Waxaanu Soo Dhisay Dowladiisii Siduu Dhigaayay Distoorka & Shuruucda Dalku

Waxaanu Soo Dhisay Madaxwayne Muuse Dowlad Kooban Siduu Horeba Usheegay Wakhtigii Ololaha Inuu Soo Dhisaayo Dowlad Kooban Oo Tayo Leh Iyadoo Wasaaradihii Wax Laga Bedelay Qaarna Laysku Daray Qaarna Meeshaba Laga Saaray Sidoo Kale Wuxuu Madaxwayne Muuse Kusoo Kordhiyay Dowladiisa Haayado Madax Banaan Oo Badan Iyadoo Loo Arkaayay Inuu Madaxwaynuhu Ka Duulayo Inuu Sameeyo Shaqo Abuur Oo Uu Dhalinyarada Kujaheeyo Haayadahaas Madaxa Banaan

Madaxwayne Muuse Wuxuu Soo Dhisay Dowlad Ubadan Dhalinyaro Aqoonyahan Ah Waxaana Daaqada Kabaxay Siyaasiyiin Iyo Rag Waawayn Oo Islahaa Muuse Abaal Ayaad Ugasheen Oo Sinaha Idiinka Reebi Maayo Dowladiisa Balse Waxay Rag Badani Quusteen Kadib Markii Muuse Isugu Yeedhay Gudigiisii Ololaha Ee Gobolada & Degmooyinka Isla Markaana Uu Si Cad Ugu Yidhi Rag Badan Ayaa Odhan Doona FARTAYDII EEDAYAY

Sida Lawada Arkaayay Wuxuu Muuse Soo Xushay TEAM Dhalinyaro Ah Oo Uu Kutaxay Xilalka Wasiir, Kuxigeen, Agaasimayaal Guud & Etc Waxaana Samir Weheshaday Siyaasiyiintii Safka Hore Iska Eegayay Arintanina Waxay Noqotay CANDHUUFTAADA DIB ULIQ Waxaanu Madaxwayne Muuse Bilowgii Dowladiisa Ufuray Siminaar Masuuliyiintii Uu Magacaabay Taasoo Bulshadu Sheegaysay Inuu Odaygu Dardaaran Hoose Faraayo

Sida Aynu Lawada Soconay Waxaa Bilaabmay Bilowgii Dhaqaaqa Dowlada Muuse Saluug Shaqo Oo Hor Leh Mar Hadii Ay Meesha Kabaxeen Ragii Khabiirada Ku Ahaa Shaqadu Waxaana La Arkaayay Rag Badan Oo Markii Loo Geliyay Kabo Ka Wayn Dhaqaaqi Kari Waayay Oo Ku Haftay Shaqadii Maadaama Ay Ahaayeen Junior Aan Hore Usoo Shaqayn

Dhanka Kale Hadii Aan Ka Eegno Way Jireen Rag Shaqada Garanaayay Ama Meesha Lageeyay Kuhaboonaa Tusaale Waxaan Usoo Qaadan Karaa Wasiir Dr Sacad Oo Ah Aqoonyahan Wasiir Mohamed Kaahin Ahmed Oo Isna Ah Masuul Waayo Arag Ah Sidoo Kale Agaasime Ahmed Ahokor Mohamed & Rag Kale Oo Doora Balse 80% Waxay Umuuqdeen Masuuliyiinta Muuse Magacaabay Qaar Ku Haftay Howshii Loo Igmaday

Si Kastaba Ha Ahaatee Mudadaas 2-Sano Ah Madaxwayne Muuse Muu Samayn Reshuffle Wayn Waxaana Weli Xilkii Haya Team kii Labilaabay Shaqada Marka Laga Reebo Dhowr Masuul Oo Shaqada Laga Caydhiyay

Sidaas Marka Ay Tahay Waxaynu Is Waydiinaynaa Su,aalahan
1. Muuse & Dowladiisu Mafuliyeen Balan qaadkii Ay Ku Ololeeyeen Ee Bulshada Ay Usheegeen
2. Masuuliyiinta Dowlada Muuse Mayihiin Qaar Bulshadu Ku Qanacsantahay Oo Sidhaba Uqabta Wixii Looga Baahnaa
3. Dowlada Muuse Mafulisay Mashaariic Wax Ku Ool Ah Mana Rumaysay Balanqaadkeedii
4. Dowlada Muuse Wax Maka Qabatay Baahiyihii Bulshada Sida Shaqo La,aantii Waxbarashadii & Kaabayaasha Dhaqaale
5. Dhaliilaha Xoogan Ee Mucaaradku Mayahay Wax Jira Hadii Ay Jirto Maxaa Uga Meel Yaal Muuse & Dowladiisa Arimahaas
6. Bulsho Waynta Reer Somaliland Maku Qanacsantahay Hogaanka Muuse Biixi & Dowladiisa

Su,aalahaas Waxaa Kajawaabi Doona Bulshada Reer Somaliland Waxaan Kusoo Gebagebaynayaa Qoraalkayga Talo Kooban Kuna Socota Madaxwaynaheena Muuse Biixi Cabdi Waxaan Leeyahay Qodobadan Hoose

1. Mudane Madaxwayne Waxaa Soo Xoogaysanaya Saluuga Bulsho Ee Maamulka Dalka Iyadoo Adeegyadii Bulsho Hoos Udhaceen Waxaan Kuusoo Jeedinayaa Inaad Dabagal Kusamayso Masuuliyiinta Xilka Uhaya Umada Iyadoo Lamoodo In Nin Kastaa Goostay Halkii Loo Dhiibay
2. Mudane Madaxwayne Waxaa Soo Badanaaya Dhaliilaha Dhanka Mucaaradka Waxaan Talo Kusoo Jeedinayaa In Dhaliisha Laga Faa,iidaysto Oo Halka Ay Farta Ku Fiiqaanba La Eego Si Dowladaadu Unoqoto Mid Wax Loo Sheegi Karo
3. Mudane Madaxwayne Reshuffle Degdeg Usamee Oo Isku Shaandhee Wasiiradaada Adoo Qaar Cusubna Magacaabaya Waayo Micno Samayn Mayso Hebel Kabedel Wasaaradaas Oo Taas Kale Gee Waxaa Lagama Maarmaan Ah In Xilku Ahaado Meerto Si Aan Raga Qaar Umoodin Meherad Ay Leeyihiin Waxaana Lawada Ogyahay Hadii Qofku Ku Raago System ka In Uu Grantee Isu Qaato
4. Mudane Madaxwayne Haayada General Audit ka Kaga Shaqaysii Oo Gacanta Usii Daa Si Ay Usoo Noqoto Cabsidii Laga Baqaayay Hantida Umadu Waana In Lasoo Celiyaa Karaamadii Audit ka Kalsoonina Lasiiyaa Iyadoo Cidii Lagu Helo Musuq Lamarinaayo Abaalkiisa
5. Mudane Madaxwayne Waxaa Jira Rag Xafiisyada Dowlada Ku Raagay Oo DULIN Kunoqday Oo Cidina Aanay Dareensanayn Waana Rag Qowlaysato Ah Oo System ka Wax Ku Abuse Gareeya Waxaana Kamida Xafiisyadaas Xafiiska Xisaabaadka Guud Oo Dhibaato Wayni Kagaadho Bulshada Marka Howli Kagasho Sidoo Kale Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Agaasimayaasheeda, Xoghayayaasha, & Badhasaabada Aan Waxba Laga Bedelin 3-Dii Sano Ee Ugu Dambeeyay
6. Mudane Madaxwayne Talada Inteeda Wanaagsan Qaado Weliba Raga Waaya Araga Ah Ee Lexejeclada Dalka Kaleh Qaado Taladooda Xilalkana Wax Kaga Dar
7. Mudane Madaxwayne Caasimada Il Gaara Ku Eeg Waxaana Jirta Oo Aan Kaa Qarsoonayn In Dowladahoose Ee Hargeysa Aanay shaqayn Keliya Ay Ka Shaqeeyaan Qorshaynta Iyo Kala Garaaca Beeraha Dadka Iyagoo Masuuliyiintu Dhulka Danta Guud Ay Markiiba Iibiyaan Nimankaas Wax Kaqabo Madaxwayne
8. Mudane Madaxwayne Sharcigu Hashaqeeyo Sidii Aad Hore Usheegtay Oo Cadaalada Halagu Dadaalo Ilaahayna Hakugu Asturo Xilka Ayaan Ku Leeyahay Aamiin

Ugu Dambayn Madaxwayne Waxaan Leeyahay Adiga & Bulshada Yaan Laydiin Dhaxayn Cida Kaa Wakiilka Ahina Ha Ahaato Cid Daacad Ah Sidoo Kale Umadaada Yaan Lagugu Dirin Oo Been Yaan Lagaaga Keenin Waayo Waxaa Jira Rag Ku Shaqaysta Arintaas Waxaa Lagu Odhan Doonaa Reer Hebel Waa Mucaarad & Hebel Waa Mucaarad Ama Hebel Wuu Ku Necebyahay Hadhegaysan Ayaan Ku Leeyahay Madaxwayne Ilaahay Hakugu Asturo Xilka Aamiin Aamiin

Wabilaahi Towfiiq

—Igaba Dhan Caawa—

Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed
Jamhuuriyada Somaliland Berbera
Telephone: +252-63-4292705
Email: abdi70526@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here