Wasiirka Wasaarada Biyaha Ee Somaliland Mr Baashe Cali Oo Caawa Isgoo Xiskiisu Joojin Baaskoolad Ku Dhex Eryaday SHaqalihii Hotel Mansoor Ee Berbera Hotelka Gudihiisa Halkan Ka Akri Warkaasi Oo Faafasan

0
476

Berbera (Ceelagardinews.com) Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo maalmihii udanbeeyay Berbera Ku Sugnaa  ayaa caawa fal anshaxa iyo Masuuliyada ka baxsan ku kacay,

waxaanu wasiirku isaga oo Sarkhaansan oo khamri cabsan uu Hutelka uu Magaalada ka daganaa oo ahaa Maansoor lagalay haweenay aanu qabin oo uu ka  isaga oo ciidamadii ilaalada ka ahaa Hutelka iyo shaqaalihii Hutelkaba Bastoolada ula baxay oo ku dhex eryaday Hutelka Gudihiisa

ka dib markii ay isku dayeen inay ka soo saaraan haweenayda uu sida sharcidarada ah Hutelka ula galay Wasiirku sidoo kale waxa uu si khasab ah u xidhay albaabka qolkii uu mka daganaa Hutelka waxaanay Maamulkii Hutelku islamarkiiba dacwad ka dhan ah wasiirka dhaqan xumada ku kacay ugud biyeen Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Taliyaha qeybta Booliska Saaxil

oo goobta yimi iyaga oo ciidamo badan wata, wasiirka ayaa loo maarayay waayay isaga oo hoosta ka xidhay qolka uu ku haystay haweenayda isaga oo Masuul Qaran ah,

sidoo kale waxa isna goob joog ahaa Maareyaha wakalaada Biyaha Berbera Keyd Cabdillahi Xandulle oo isku dayay in uu arinta xaliyo balse dhamaan masuuliyiintaas wuu ka furiwaayay albaabka isaga oo caytamaya oo walibana ku hanjabayaa inuu tooganayo cidii iskudayda inay albaabka qolkiisa soo ustagaan oo ka hadlaayan daaqada.

Mudo saacado ah kadib ayaa Maamulka Hutelku qorshe kale keeneen waxaanay qolkii uu wasiirku ku jiray ka jareen Laydhka iyo biyaha Iyadoo  oo xiliguna yahay xagaag cimilada Berbera aad ukulushahay waxaana aakhirkii suurta gashay inuu kulaylkii qolka ku jiri kariwaayo kadibna uu alabaabka furo sidaasna lagaga soo saaro hawenaydii uu ka  oo aheyd hawenay da, ah oo aan la aqoonsan balse la sheegay markii la wareystay in aanay magaalada ahayn ee ay ka timi dhinaca .Gobol Kale oo ka mid ah gobolada dalka

Si kasta ha ahaatee waa dhaqan xumadii ugu weyneyd ee wasiir ka tirsan Xukumada madaxweyne Siilanyo ku kaco iyada oo la sheegay in warkiisana ay gaadhsiiyeen Masuuliyiinta Gobolka iyo Boolisku Xukumada sare iyo madaxtooyada lana amray in sidag dag ah looga soo saaro magaalada beri marka waagu baryo  Waxa kale oo la eegi doona talaabada ay xukumadu ka qaadato wasiirkan