Mareeyaha Dekeda Berbera Oo Deeq Biyo Ah Ugu Deeqay Dadka Abaaruhu Ku Sameeyen Tuulada Gugux Ee Ka Tirsan Degmada SHeekh

0
286

Maareyaha Dekeda Berbera Prof. Axmed Yuusuf Dirir ayaa ugu deeqay toban booyadood oo biyaha dadka abaaruhu ku hayaan deegaanka Gugux oo katirsan Degmada sheekh ee Gobolka Saaxil,

 

Booyadahan biyaha ah ee Maareyaha Dekeda Berbera Prof.Axmed yusuf Dirir ugu deeqay dadka deegaankaas ku dhaqan ee sida ba,an abaartu uhayso iyaga iyo xoolohoodaba ayaa waxa uu u wakiishay oo geeyay deegaankaas Sheekh Cabdiraxmaan Xaaji Daahir Cawaale(Sheekh Casaan) oo deegaankaas geeyay booyadahaasi biyaha ah una qeybiyay dadkii deegaankaasi ee biyo la,aanta iyo abaarta ba,ani haysay

 

Dadka deegaankaas ku dhaqan ee biyo la,aanta iyo abaartu kululi haysay ayaa uga mahad celiyay Maareyaha Dekeda Berbera gurmadka biyaha ah ee uu usoo fidiyay iyaga oo ilaahayna uga baryay inuu miisaanka Xasanaadka ugu daro,

Sheekh Cabdiraxmaan Xaaji Daahir Cawaale(Sheekh Casaan)oo khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay shabakada wararka ee Ceelgardinews.com ayaa isaguna sheegay inuu gurmadkaas biyaha ah gaadhsiiyay dadkii uu ugu talagalay maareyaha Dekeda Berbera axmed Yuusuf Dirir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here