228 Guulayste oo ka soo dhex mudhay 545 Tartame oo Tartan u galay Jaamacada Dawlada ee CSI + Dardaarankii uu siiyay Gudoomiye Sharmake geelle

0
312

228 Guulayste oo kasoo dhex mudhay 545 tartame oo Jaamacada Shaqaalaha Dawladda CSI tartan u galay

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL mudane Sharmaakee geelle ayaa ka qayb galay kulan wacyi-gelin iyo waayo-waran ah na siinay 228 guulayste oo kasoo dhex baxay 545 tartame oo guclo orod u galay in ay kamid noqdaan ardayda wax ka baranaysa Jaamacada Shaqaalaha Dawladda CSI.Tartankan oo ahaa mid qalinku ka adeegay intii tafa-xaydnayd ayuu mid walba weelkiisa caqliga kala baxay wuxuu horay ugu soo shubtay ee cilmi ah xili Caddaaladu ahayd halbeega keliya ee guusha.

-Waxaan guulaystayaasha Gudoomiyuhuu kula dardaarmay yeelashada hammi iyo hiraal sare iyo in cilmiga ay halkan ka bartaan ku anfacaan qarankooda korna ugu qaadaan qofnimadooda.
Ugu dambayn Gudoomiye Sharmaake Geelle wuxuu u mahad celiyay maamulka iyo macaliiminta CSI ee sida naf-hurnimada le qaranka ugu adeega.

 

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Mudane Sharmaake Geelle ayaa ku soo afmeeray dardaarankisii uu u diray dhalinyaradi guulaysatay iyo shacabka somalilandba ereyo micno wayn leh dadkuna si wayn uga heleen

“Si walba oo qaranku mashquul ugu jiro hay’adda shaqaalaha dawladda iyo machadka shaqaalaha dawladu wuxuu isha ku hayaan tayyeynta shaqaalaha iyo daba-galka in shaqaalaha dawladu noqdo xirfadle xalaal-quute ah shacabkana siiya adeeg hufan”

Inkastoo Doorashadii laga soo noqday xukumadii Axmed Siilaanyona ay kaga eegtahay 14 bisha soo socota ayaa hadana sharmaake geelle liiska xukumada cusub kaga jiraa xaga hore isagoo is muujiyay daacadnimana qarankan u adeegay taaso bulshada Somaliland iyo Madaxwaynaha La doortayba isha si gaar ah ugu hayaan. waxaana la filayaa in xil Wasiir loo magacaabo Ama uu dib ugu soo noqdo Xukumada Cusub.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here