Maansada (Barma) U hiilinta muslimiinta Rohinga ee waddanka Barma Abwaan Muxiyadiin deeqsi

0
461

Maansada (Barma) U hiilinta muslimiinta Rohinga ee waddanka Barma. Tue/12/September/2017/Hargaysa Somaliland. waa maanso duco ah oo aan ugu hiilinayo walaaleheena muslimiinta ah ee ay gaaladu ku gumaadayso waddanka Barma, walaalihii u hiilin lahaana gacmaha ka laabteen, waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu badbaadiyo walaalahaa muslimiinta ah ee beesha Rohingaha. Murti baaxad weyn baa. Ku tiraabtay beri hore. Rag ba’ii ka sheekee. Dumarkuna badhaadhaha. Anna xalay Bocoodoow. Inaan laba-bogleeyiyo. Baaxaadeg mooyee.

Hurdo maanu kala bogon. Ilna bidhiq is kuma siin. Waxa iiga ba’ayee. Beer-qaadka igu riday. Warka bari ka yimi iyo. Barma tacaddigeedaa. Beelaha Rohiingaha. Lagu beegsanaayiyo. Baro-kicinta iyo naca. Bililiqada iyo dhaca. Boobkiyo halaambada. Dilka baahay ee simay. Barbaar iyo haween iyo. Oday madaxu boos yahay. Birta laga aslaayaan. Bir-magaydada aqoon. Billaawaha subkadayee. Buudiisam urayoo. Bakhtigiyo udaa cuna. Ku bog-dooxay hooyada. Budh-caddii galbeed iyo. Buurya-qabbadii Yurub. Beenaalayaashii. Booliga ku noolaa. Haddii ay ka baaqdeen. Basarkii maryooliyo. Bani’aadnimadii. Baga iyo sax leeyiin. Booboow la soo waa. Caaddii nin baajiyo. Bahal ceedhin daayee. Waxa igaga sii ba’an. Muslinkii badnaayee. Carro-edeg budh ka ahaa. Waxa baqaha geliyee. Baraqii ka saaree. Baalkii ka qooyee. Bah-dilaadda ugu wacan. Ma balkii hadhuudhkiyo. Tiradoodu badanaa. Misna barako daranaa! Ma balkii hadhuudhkiyo. Buushii la sheegaa?

Aaway boqorradii iyo. Madaxdoodii ba’anayd. Wada baar-qabka ahayd. Bilaash-xaytayaashii. Iyagu isu bu’i jiray. Isu baar-caddayn jiray. Mee baawarkoodii. Maxaa biiq sakaariyo. Bohonnada ka wada dhigay. Nin barwaaqo haystoo. Ku bariistay nabadoo. Ku dhex nool bahdiisii. Bawdada walaalkii. Iyo biixiyaha jaban. Badhi-taari waayee. Waajibkiisa baalmara. Nabsi baaqan maayee. Isagana berruu heli. Hayeeshee baryiyo duco. Ku bakhaylimaynee. Ballankeenu waa kaa. Boqorkii na uumoow. Waxaad tahay ma baahdaha. Loo baahan yahayee. Weligiiba baaqiya. Cabashiyo is bihinbihin. Boqolkaaga magac iyo. Baabaco addoonbaan. Kuugu baahi sheegtee. Awooddaada buuxdiyo. Maamulkaaga badhaxala. Iyo amarka aan burin. Ku badbaadi adigaan. Waxba kaa barriiqane. Allahayoow ku dheeh bili. Malaa’iigtii Badar iyo. Birmad xoojiya ugee. Burjigooda noolee. Biyo ugu shub gaalada. Halgankooda barakee. Waxay baylah leeyiin. Amma baadi kaga maqan. U bidhbidhi naf iyo maal. Kol hadday bahdoodii. Hiil kala bakhayleen. Wuxu baday majuusigu. Ka bogsii Allahayoow. Oo taran bulaaliyo. Guul iyo buruud iyo. Barkhad uga dambaysii. Barmana looma-hoydaan. Waa beeli-eeddiyo. Booraama-hadimee. Allahayoow ku baalbaal. Oo baabah kaga yeel. Iyo degello baaba’ay. Aamiin Aamiin Aamin 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here