War Deg Deg Ah”Mid Ka Mid Ah Maayirada Degmooyinka Somaliland Oo Xilkii Laga Qaaday

0
295

Baligubadle  ( Ceelgadrinews.com)-Xildhibaanada Golaha deeganka magaalada Baligubadle ayaa waxaa ay saaka fadhi ku qabsadeen hoolka shirarka ee dawlada Hoose waxaana ay u gacan taageen mooshin muddo bil ka badan ka yaalay maayarka magaaladaasi xil Cabdi Iiman Jaamac

Xildhibaanada oo tiradoodu aheyd 9 xildhibaan ayaa waxaa ay Maayar cusub u doorteen in uu noqdo Xildhibaan Aadan Cali Xassan .

Maayarkii hore ee Baligubadle ayaan isagu joogin goobta ay codeyntu ka dhacday isla markaana magaalada ka maqanaa balse soo galay Magaalada Muddo sacaad ah ka dib .

Maayarka cusub ee Loo doortey magaalada Baligubadle oo khadka telefoonka ay kula xidhiidhay shabakada Ilaysnews.com ayaa waxaa uu alleh ka baryey in uu xilkaas cusub uu ku asturo .

Maalintii shalay ayey aheyd markii 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha deeganka Baligubadle ay sheegen in mooshin ka dhan ah maayarkooda uu hor taagan yahay badhasaabka Gobalku isla markaana laga xidhay hoolkii shirarka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here