Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Oo Falalkii Musuq-maasuq Ee Kastamka Berbera U Sibir Saaraya Maamulka Kastamka + Xaqiiqada Jirta!….

0
905

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Oo Falalkii Musuq-maasuq Ee Kastamka Berbera U Sibir Saaraya Maamulka Kastamka + Xaqiiqada Jirta!….
Berbera(Ceelgardinees.com):-Kadib Markii dhawaan uu soo Ifbaxay Musuqmaasuqii ugu Weynaa ee ka Dhaca Kastamka Magaalada Berbera islamrkaana sifo khaldan loo sii daayey ugana soo baxay Kastamka Berbera Koontiinar sida Moobilo Tiradoodu dhan tahay 116,000 kun ( boqol iyo Lix iyo Toban kun), oo lagu Sheegay Inu yahay Sonkor ayaa Intii Falkaasi Dhacay Wixii ka Danbeeyey Waxa Jira Warar Xaqiiqada iyo Runta ka fog, Kuwaas oo Maalmihii ugu danbeeyey Warbaahinta iyo Baraha Bulshada Lagu baahiyey oo Sheegayey in uu Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Maaliyada Jsl Maxamed Cabdi Gurxan Fashiliyey Musumaasuq ay ku Kaceen Masuuliyiinta Kastamka Magaalada Berbera.
Hadaba Waa Maxay Xaqiiqda Jirtaa?
Agaasimaha guud ee wasaarada Horumarinta Maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan oo muddo lix bilood laga joogo kala qaybiyay Kastamka Berbera islamarkaana ka jaray qaybta Barxadda oo uu si gaar ah u madax-bannaaneeyay, una sameystay maamule iyo ku xigeen isaga si toos ah u hoos taga,iyadoo qaybta barxadu ay tahay meesha kaliya ee wax laga sixi karo waxna laga khaldi karo.
Sidaa daraadeed iyadoo dadweynaha magaalada Berbera la yaabanyihiin sababta dhabta ah ee uu agaasimaha guud u kala qaybiyey kastmaka magaalada Berbera ugana gooyey kastamka intiisa kale,ayaa warar xogogaal ahi waxay sheegayaan in agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyaddu uu damacsanyahay inu ku adeegsado dano isaga u gaar ah.
Waxaana Marag ma doon ah ujeedada uu ka leeyahay qaybta uu gaarka u madax Banaaneystay, taas oo muujinaysa Musuqmaasuqii hore ee uu isagu kastamka kula macaamili jiray,iyadoo Tan iyo Maalintii Xilka Laga Qaaday uu dagaal Muuqda Kula Jiray Maamulihii Xilka kala Wareegay iyo Magaalada Berbera oo ah goobtii ugu horraysay ee uu shaqada ka bilaabay mudada dheerna uu ka shaqaynayay.
Hadaba iyadoo Labada Maamule ee uu u sameystay isagana hoosaysiiyey maamulida qaybta uu gaarka u goostay aanu midna kasoo jeedin gobolka saaxil ayay u jeedadeedu tahay inay si gaara ugu ilaaliyaan qaybtan uu goonida uga saaray Kastamka Magaalada Berbera,sifo khaldana u marsadaan badeecadaha kala duwan ee kasoo dega Dekedda,kuwaas oo aanay ka qaadin cashuurtii ku waajibtay badeecadahaas,taas badalkeena ay Agaasimaha guud iyo masuuliyiinta uu samaystay ay heshiis hoose kula jiraan qaar ka mid ah ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Berbera sida dhacdadan fashilantay oo kale.

Isku daygan musuqmaasuq ee todobaadkan Fashilmay oo uu ku doonayey agaasime Gurxan in ganacsade ay isku Qoys yihiin oo lagu Magacaabo Xuseen Geesh,islamarkaana ay masuuliyiinta uu qaybtan gaystay si baal-marsan sharciga Kastamka Berbera ugu soo dhaafiyeen ganacsadahan Koontiinarkaas oo lagu sheegay inay Sonkori ku jirto balse ay Moobilo ku jireen ,ayaa markii la ogaaday arrintaas oo hore loola socday qorshaha ay wateen Agaasimaha guud iyo ganacsadaha ay Ilmaadeerka yihiin, uu agaasimaha guud dib u celiyay Koontiinarkii Moobillada ahaa ee ka baxay Dekedda oo xadiga lacagta lagu cashuuray ahayd 26 Milyan oo SLshln ah,halka cashuurta ku waajibtay ee lagu cashuuri lahaana ay ahayd 3 Bilyan SLshln ah una dhiganta in ka badan(300,000$),si agaasimaha guud uu isaga leexiyo arrintan musuq-maasuqa ah ee lagu qabtay islamarkaana ugu eedeeyo maamulaha Kastamka Berbera oo aan isagu wax shaqo ah ku lahayn qaybta falkani ka dhacay oo ah qaybta uu isagu masuuliyiinta gaystay.
Sida ila-wareedyo ka agdhaw kastamka Berbera ay sheegeen ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda oo ay ka degi-wayday musuq-maasuqan baaxadda leh ee meelmariintiisa fashilku ku yimi,isagoo iska leexinaya musuqa uu gaystay uu hadana Maamulaha Kastamka Berbera ee uu shaqadii Hubinta iyo Shaqadii Barxadaba kala wareegay uu baadhis ugu diray laba Nin oo kala ah Agaasimaha Auditka ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Taliyaha Ciidanka Turbataariyada oo ay agaasimaha guud Isku qoys yihiin,si ay uga leexiyaan musuqmaasuqa lagu qabtay agaasime Gurxan, iyadoo ujeedada agaasimuhu arrintaas uga dan lahaana ay tahay sidii loo marin habaabin lahaa Musumaasuqii meesha ka dhacay,islamarkaana looga duwo cidda leh masuuliyadda Musuqmaasuqa oo ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan.
Masuulkan ku kacay musuq-maasuqa ballaadhan ee guul-darraystay oo dadka aan aqoonta u lahayni u yaqaanaan masuul sharciga ku adag,kana fog falalkan uu gaystay ayaa ujeedada uu arrintan ka leeyahay ay tahay in maamulaha kastamka ee haatan uu ku eedeeyo musuqmaasuqa uu isagu gaystay,islamarkaana uu damaciisu yahay inu ku bedelo xubno uu isgu wato una dhego nugul,waxaanay warar arrintan u dhuun-daloolaa sheegeen in agaasimaha Maaliyaddu maamulaha iyo ku xigeenkiisa la doonayo inay noqdaan Faysal Aadan Yuusuf(Faysal-dheere)iyo Tuur,kuwaas oo xidhiidh hoose leeyihiin agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Si kastaba ha ahaatee su’aalaha uu qofkasta oo caqli lihi iswaydiin karo ayaa ah :
1.Waa maxay sababta uu agaasimaha guud haddii aanu ka mid ahayn kooxdan ku heshiisay fulinta musuqmaasuqan qaran uu xabsiga u dhigi waayay ciddii arrinta gaysatay.
2.Maxaa keenay in warar samays ah oo lagu qarinayo falka musuqmaasuq ee uu cagaha kula jiro agaasime Gurxan uu ku baahiyo warbaahinta iyo baraha bulshada, mase noqon kartaa arrintani mid uu agaasimuhu daaha ku saarayo musuqa uu sameeyay,xilli wadamada caalamka iyo Somaliland-ba ay gurmad ugu jiraan ka hortaga xanuunka Corona Virus,Madaxweynaha Somaliland-na uu marar kala duwan ku baaqay in qaranku ku jiro gunti giijis dhaqaale lana hakiyay kharashaadkii kala duwanaa ee hay’adaha dawladda,hadaba waxa iswaydiintu tahay sida laysu waafajinayo musuqmaasuqan masuuliyiinta qaar ka badheedhayaan iyo amarka Madaxweyne Biixi.
La soco warbixino kale oo daaha-ka qaadi doona musuqmaasuqa xadhka goostay ee agaasime Gurxan oo soo taxnaa illaa xukuumaddii M/Siilaanyo oo uu 7sano kasoo ahaa maamulaha Kastamka Magaalada Berbera.

Xigasho .Xogreebnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here