golaha wasiirada oo ka dooday gobolnimada gobolka gabiiley

0
88
Fadhigii 128aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo qabsoomay maanta oo isniin ah, taariikhduna tahay 13-05-2024 oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), islamarkaana munaasibadda xuska 18 May awgeed looga soo hormariyey maalintiisi ayaa lagu lafo-guray gobolnimada Gabiley iyo kor-u-qaadista derajooyinka degmooyinka dalka qaar ka mida.
Ugu horrayn, Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeystay wasiirka arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka, diyaar garowga xuska sannad guurada 33aad ee 18 May iyo xaaladda amni ee mandaqadda geeska Afrika.
Sidoo kale, waxa goluhu warbixin ka dhegeystay, wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Raabbi Cabdi Maxamed oo golaha u akhriyey war-biximihii ay soo diyaariyeen guddidii loo xil saaray shirkan shirkii ka horeeyey sidii xal waara looga gaadhi lahaa xakamaynta Shilalka Gaadiidka ee dalka ku soo badanaya, waxaana lagu xoojiyey guddidii hore xubno cusub si shirka shirkan xiga goluhu u ansixiyo go’aamada ay horkeenaan guddidu.
Dhinaca kale, Golaha waxa la hor keenay soo jeedinta gobolnimada Gabiley iyo kor-u-qaadista darajooyinka degmooyinka Caynaba, Baki, Sheekh iyo Baligubadle oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaradda Arrimaha Guduhu, waxaana goluhu Soo jeediyey in loo gudbiyo golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, si ay waajibaadkooda uga gutaan Gobolnimada Gabiley iyo kor-u-qaadista darajo beddelka degmooyinka Caynaba, Baki, Sheekh iyo Baligubadle. Sidoo kalena goluhu waxa uu wasaaradda arrimaha gudaha u soo jeediyeen inay soo gudbiso dhammaan gobollada iyo degmooyinka kale ee buuxiya shuruudaha qiimaynta ee ku xusan xeerka ismaamulka iyo degmooyinka Lr. 23/2019, soona samayso wasaaradda Arrimaha Guduhu si loogu gudbiyo golaha wakiilada iyo guurtida oo iyaguna waajibaadkooda dastuuriga ah ka gudan doona.
ALLAA MAHA DLEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.