75 Sano jir 45 Gu’ Reerkooda Ka Maqnaa Oo Dib Ugu Soo Laabtay

0
365

Francis Indek Arachabon oo markaas uun 29 sano jirsaday una dhashay dalka Kenya ayaa iskaga tagay qoyskiisa.

Arrintan oo dhacday sanadkii 1975-tii waxa ay wararku sheegayaan in uu ninkan afka saaray dhinaca uu ka xigay adeerkii, isaga oo sii dhaafay markii uu adeerkii ku booqday deegaanka Bungoma County.

Wuu sii ambo qaaday safarkiisa isaga oo u jihaystay dhinaca ay ka xigto buurta Kilimanjaaro si uu u raadsado shaqo, hasayeeshee waxa 45 sano ka dib qoyska uu ninkani ka dhashay ayay la yaab ku noqotay markii uu dib ugu soo laabtay reerkooda.
Isagu 75 sano jir, waxaana qaabilay walaalkii Erneo Okadapao oo 71 sano jir ah, la isku soo bood oo la soo xasuusay wixii yaraantoodii dhex maray iyo sheekooyin kale.

Intii uu maqnaa raq iyo ruuxba la baadi doon, booliska inta la waydiiyay way hadh beeshay, wadaado duceeya loo tag oo xilligaasi laga soo hadh gal, hasayeeshee soo laabashadiisan dambe ayaa reerkii fajaciso ku noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here