Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo 36 Maalmood Ku Xidhaana Magaalada Hargaysa oo Dhagaysiga Dacwadiisu Bilaabantay

0
305

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka la horkeenay Qoraa/ Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ah Macalin wax ka dhiga dugsiyada Sare oo 36-maalmood xabsiga ugu jiray Maqaal uu qoray oo ay dhibsadeen agaasimaha iyo Maamulaha Madaarka Hargeysa. Maxkamadd ayaa ahayd mid furan oo dhegeysigeeda uu ka qaybgalay Musharraxa madaxweynaha xisbiga Ucid jamaal Cali Xuseen,

ehelladda Abwaan Siciid iyo sidoo kale Saxafiyiin iyo weliba Saaxiibo badan oo uu leeyahay Qoraa sare Siciid Maxamuud Gahayr.

Xeer ilaaliye Farxaan oo akhriyey eedda loo haysto Macalin Siciid Maxamuud Gahayr, oo uu ky sheegay kicin dadweyn iyo inuu digniin amni u diray, diyaaraha Itoobiya iyo fly Dubai,

kuwasoo maxbuusku iska difaacay eddaha sheegayna inaanu qabin gabi ahaantoodbaa. Sidoo kale maxbuuska ayaa qirtay inuu maqaalka uu qoray kaga faallooday arrimaha kala ah, shaqaalaha madaarka, goob dakhliyeed ku taala madaarka iyo sidoo kale arrimaha ku taxaluqa shaqaaleynta madaarka, isla mar ahaantaana inuu fikirkiisa cabiro dastuurka dalku u damaand qaaday.

Dhinaca kale Maxkamadda ayaa dhegeysatay eedda Xeer ilaalinta, halkaana ka caddaysay in Maamulaha Madaarka Hargeysa uu markhaati ka yahay. Balse uu si cad uu diiday inuu hor yimaado Maxkamadda, isla markaana isaggu hore booliska ugasoo dalbaday in la xidho abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

Waxanay Xeer ilaalintu dalbatay in xabsiga loo soo taxaabo Maxamed Yuusuf maamulaha madaarka Hargeysa, hadii uu fadhiga 2aad diido inuu yimaado Maxkamadda horteeda, maadaama uu isaga u xidhanyahay maxbuuskani. Si kastaba ha ahaatee Maxkamadda ayaa muddaysay kiiskan in dib loo qaado 27-ka bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here