Abwaan Xariir Max’ed Saleeban Oo Gabay Ka Tiryey Xaalada Gobolka Saaxil Wakhti Xaadirkan Ku Sugan Tahay

0
294

Abwaan Xariir Max’ed Saleeban Oo Gabay Ka Tiryey Xaalada Gobolka Saaxil Wakhti Xaadirkan Ku Sugan Tahay

*Gobolyahaw Cidaan Kuu Diray Damaca Maxaa U Yeelay

*Dulin Nimo Maxaa Kugu Xidhxidhay Daa’im Ebedkaa

*Dulmi Iyo Xumaantii Maxaa Dabaqa Dheer Saaray

*Maxaa Daacadnimadii Yasay Oo Xaqii Danbeysiiyay

*Iimanku Wuxuu Kaa Dabrey Garasho Diidaye

*Duqeyda & Indhoolaha Guryaha Uunku Ugu Deeqay

*Door Ronihiin Muxuu Uga Danbeyn Waayey

*Danyaraha Xaqiisi Maa Kii Dibrey Siiyey

*Maxaa Madaxdii Darajada Laheyd Docfadii Raacshay

*Nin Hashiisi Dihin Tahay Oo Hadana Darar Ka Maaleynin

*Soo Wuxuu Daliilkiyo Sharcigu Diidan Yahay Soo Maaha

*Dekedaha Wixii Soo Maraa Ka Dul Boodane

*Duunyo Iyo Wadey Leedahoo Doolar Kaa Maree

*Dahab Iyo Macdan Wey Jirtaa Dibeda taalaye

*Waxaa Dalac Naasigaa Ka Dhigey Soo Dulmiga Maaha