Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda & Qoyska Md. Axmed Xasan Aw-Aadam

0
48

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda & Qoyska Md. Axmed Xasan Aw-Aadam oo uu wehelinayo Agaasimaha Waaxda Shaqadda, Md. Mukhtaar Yuusuf Maxamed ayaa waxa uu kulan la qaatay hogaanka sare Ururka Shaqaalaha Dhismaha ee dalka.

Ujeedadda kulanka ayaa ahaa in la iska-xaal waraysto, lana falan-qeeyo xaaladda guud ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dhismaha ee dalku iyo in lagu kala war-qaato falal ka baxsan nidaamka & qaanuunka oo ay sameeyeen xubno ka mid ah shaqaalaha muruqmaalka ah ee dalku maalmihii la soo dhaafay.
Ugu dambayn, waxa la isku af-gartay qodobo muhiim ah oo wax lagaga qabanayo, laguna wiiqayo heerka shaqo-la’aanta ee shaqaalaha muruqmaalka ah ka hawlgala dhismaha & xaalladda ay ku shaqeeyaan; waxa kale oo la isku raacay sidii loo adkayn lahaa shuruudaha shaqadda ee shaqaalaha ajaanibka, loona xakamayn lahaa shaqaalaha ajaanibka ah ee xirfadooda laga maarmi karo.