AJENDAHA SHIR AY SOMALILAND QAYB KA TAHAY OO MAANTA KU SOO GEBOGABOOBAYA CAASIMADA DALKA MALAWI

0
324

Malawi (Ceelgardinews.com) Caasimada dalka Malawi ee Lilongwe waxaa todobaadkii u dambeeyey ka socday kulan muhiimadiisu ahayd  xog-waraysi iyo xeelad-wadaag ay  13 dal oo kamida dawladaha Afrika  ku lahaayeen isla markaana  lagu soo qaaday qodobo muhiim u ah sidii shirarka goleyaasha Wasiirada Afrika u noqon lahayeen kuwo midho dhal ah  oo si dhab ah uga turjumaya baahida iyo baylahda dalalka ay metalayaan

shirka

Madaxweynaha dalka Malawi Proff Arthur Peter Mutharika oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa Xoghayeyaasha Goleyaasha Wasiirada  ee dalalka Botswana, Ghana, Lesotho, Liberia, Rwanda, Sierra Leone, Somalia, Somaliland, South Sudan, Tanzania, Uganda, Zambia, Zanzibar iyo  Malawi kulan ugu sameeyey qasriga Madaxtooyada ee dalkaas Malawi halkaas oo uu kala hadlay muhiimada kulankan isagoo xusay kaalinta Xoghayeyaasha Goleyaasha Wasiiradu ku leeyihiin ururinta, diyaarinta, iyo dabagalka go’aamada golaha Wasiirada isagoo sidoo kale xusay  muhiimada ay leedahay  diyaarinta xayn-daab “Agenda” si dhab ah ugu qotoma xaalada dalalka Afrika isagoo carabka ku adkeeyey  in Xoghayaha golaha wasiiradu yahay midka si hufan ay tahay in uu  isugu xidho golaha Wasiirada iyo cid walba oo go’aanka golaha kasoo baxa saamayn ku yeelan karo. Madaxweynaha golaha Wasiirada dalalka Afrika oo ah Xoghayeha Golaha Wasiirada dalka Sierra-leaone ahna Madaxaha Hay’adda Shaqaalaha ee dalkaas Dr Ernest Surrur ayaa xusay in golahani curdin 3 sanno jirsaday yahay balse hoosta ka xariiqay rajada dheer ee ururkan isagoo xusay in xog iyo khibrad wadaag dabadeed  ay higsanayaan in ururkani noqdo mid Goleyaasha Wasiirada Dawladaha Afrika ka caawiya in ay yeeshaan kulamo midho dhal ah oo si fudud u gaadhsiiya  yoolka qarankaasi markaas higsanayo. Haddaba, kulankan oo maalmahanba dalkaas ka socday ayuu  Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada JSL Mud: Sharmake Axmed Muxumed Geelle  uu ku tilmaamay  mid xog iyo xasaanadba uga soo korodhay qaranka Somaliland isagoo xusay sida xurmada badan ee dalkaas iyo guud ahaanba dalalka  ururka ay Xogheyeyaasha Guud ee Goleyaasha Wasiirada Afrika-ba ku qaabileen. Xoghaye Sharmake oo sii adkaynaya muhiimada kulankan ayaa xusay sida uu uga soo faa’idaysanayo habka haboon ee loo maro hanaanka kala doorashada Xayn-daabyada kulamada “Techniques of Selecting Effective Agenda” iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in cadaymno cadcad lagu kabo siyaasad walba oo la samaynayo  “Evidence-Informed Policy Making”. Kulankan  oo maanta   lasoo afmeeri doonno ayuu  Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada JSL Mud Sharmake Axmed Muxumed uu ku wehelinayey Sarkaal ka socda Xafiiska Xidhiidhka Dawlada ee Madaxtooyada Mud: Cabdilaahi Dayib Cismaan ayaa noqonaya mid magac iyo muuqaalba uga soo kordhay dalka Somaliland isla markaana waxaa la filayaa in uu  isbedel dhanka wanaagsan ah u horseedi doona Shirarka Golaha Wasiirada JSL.

Xigasho Hubaal.net